Wednesday, June 24, 2026

Mareykanka oo sheegay in duqeyn ay ka fuliyeen Gobolka Bari

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska Mareykanka ayaa lagu sheegay in duqeyn ay diyaaradahoodu ka geysteen buuralayda gobolka Bari ku dileen maleeshiyo ka tirsan kooxda Daacish.

Duqeynta ayaa  waxay ka dhacday deegaanka ku yaalla koonfur-bari magaalada Boosaaso, ee gobolka Bari ee Puntland.

“AFRICOM oo ay weheliyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa wada howlgallo lagu wiiqayo awoodda kooxda ISIS-Somalia si looga hortago weerarro ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya ama ay ugu hanjabi karaan shacabka Mareykanka iyo danaha Mareykanka ee dibadda.” Ayaaa lagu yiri warka

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ilaa iyo inta laga wiiqayo awooda Al-Shabaab.

Taliska Africom ma sheegin khasaaraha la gaarsiiyay maleeshiyaadka Daacish eek u sugan Buuraleyda Cali-miskaad ee Gobolka Bari.

Duqeyntan ayaa imaanaysa xili ciidamada Puntland ay howlgalo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab ay ka wadaan Gobolka Bari, iyadoona la gudoomiyay saraakiisha iyo dagaalameyaasha ka tirsan Kooxda Daacish ee halkaasi ku dhuumaaleysanaya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles