Monday, July 20, 2026

Baarlamaanka Puntland oo Xilka Ka Qaaday Xildhibaan Cabdirashid Yuusuf Jibriil

Golaha Wakiillada Baarlamaanka Puntland ayaa maanta si rasmi ah uga xayuubiyay xubinnimada Xildhibaan Cabdirashid Yuusuf Jibriil, kaasi oo haatan ku sugan magaalada Laascaanood, halkaasi oo uu ka socdo shir siyaasadeed muhiim ah.

Fadhiga 16-aad ee Kalfadhiga 56-aad ee Golaha, oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayna garab taagnaayeen guddoomiye ku-xigeenka 2-aad, Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa lagu meel mariyay go’aanka luminta xubinnimada.

Xildhibaanada golaha ayaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay go’aanka, waxaana oggol ugu codeeyay 38 Mudane, waxaana diiday hal qof, iyadoona hal qof kalana uu ka aamusay.

Go’aankan ayaa la rumeysan yahay inuu xiriir la leeyahay ka qaybgalka Xildhibaan Cabdirashid Yuusuf Jibriil ee shirka socda ee Laascaanood, taasoo horay uga dhalatay khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya maamulka Puntland iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda SSC-Khaatumo.

Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo uu xildhibaanku kasoo saaray xil-ka-qaadistiisa, inkastoo ay xusid mudan tahay in isaga uu iska casilay xilkaasi.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Caawa waxaa soo gabagaboobaya tartankii Koobka Adduunka ee ugu dheeraa taariikhda

Ka dib shan toddobaad oo tartan ah iyo 104...

Masar iyo Soomaaliya oo ka wadahadlay Badmaaxiinta lagu afduubtay dalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdel Aaty, ayaa...

Waqtiga uu furmayo Kalfadhiga 8-aad ee BFS oo la Shaaciyay

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ruto oo Ballanqaaday inuu Taageerayo Musharraxa ay Ku Midoobaan Soomaalida Kenya

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa kulan albaabadu u xiran...

Erdogan oo Baarlamaanka Turkiga Ka Dalbaday Kordhinta Joogitaanka Ciidamada Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip ErdoÄŸan, ayaa si rasmi ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles