Mareykanka oo sheegay in duqeyn ay ka fuliyeen Gobolka Bari

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska Mareykanka ayaa lagu sheegay in duqeyn ay diyaaradahoodu ka geysteen buuralayda gobolka Bari ku dileen maleeshiyo ka tirsan kooxda Daacish.

Duqeynta ayaa  waxay ka dhacday deegaanka ku yaalla koonfur-bari magaalada Boosaaso, ee gobolka Bari ee Puntland.

“AFRICOM oo ay weheliyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa wada howlgallo lagu wiiqayo awoodda kooxda ISIS-Somalia si looga hortago weerarro ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya ama ay ugu hanjabi karaan shacabka Mareykanka iyo danaha Mareykanka ee dibadda.” Ayaaa lagu yiri warka

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ilaa iyo inta laga wiiqayo awooda Al-Shabaab.

Taliska Africom ma sheegin khasaaraha la gaarsiiyay maleeshiyaadka Daacish eek u sugan Buuraleyda Cali-miskaad ee Gobolka Bari.

Duqeyntan ayaa imaanaysa xili ciidamada Puntland ay howlgalo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab ay ka wadaan Gobolka Bari, iyadoona la gudoomiyay saraakiisha iyo dagaalameyaasha ka tirsan Kooxda Daacish ee halkaasi ku dhuumaaleysanaya.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles