Baarlamaanka Puntland oo Xilka Ka Qaaday Xildhibaan Cabdirashid Yuusuf Jibriil

Golaha Wakiillada Baarlamaanka Puntland ayaa maanta si rasmi ah uga xayuubiyay xubinnimada Xildhibaan Cabdirashid Yuusuf Jibriil, kaasi oo haatan ku sugan magaalada Laascaanood, halkaasi oo uu ka socdo shir siyaasadeed muhiim ah.

Fadhiga 16-aad ee Kalfadhiga 56-aad ee Golaha, oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayna garab taagnaayeen guddoomiye ku-xigeenka 2-aad, Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa lagu meel mariyay go’aanka luminta xubinnimada.

Xildhibaanada golaha ayaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay go’aanka, waxaana oggol ugu codeeyay 38 Mudane, waxaana diiday hal qof, iyadoona hal qof kalana uu ka aamusay.

Go’aankan ayaa la rumeysan yahay inuu xiriir la leeyahay ka qaybgalka Xildhibaan Cabdirashid Yuusuf Jibriil ee shirka socda ee Laascaanood, taasoo horay uga dhalatay khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya maamulka Puntland iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda SSC-Khaatumo.

Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo uu xildhibaanku kasoo saaray xil-ka-qaadistiisa, inkastoo ay xusid mudan tahay in isaga uu iska casilay xilkaasi.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles