Tuesday, April 21, 2026

Booliska Soomaaliya oo soo Bandhigay Hubka Maleeshiyaad ay kula dagaalameen Muqdisho

Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigay hub iyo agab milatari oo ay sheegeen inay kala wareegeen maleeshiyaad hubeysan oo dagaal kala hor yimid ciidamada amniga ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed, Cabdi Fataax Aadan Xasan, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhashay isku day ay maleeshiyaadku ku doonayeen inay ku weeraraan guri ay maxkamad sharci ah horey u xukuntay.

“Sanadka 2025-ka ma ogolaaneyno in Muqdisho laga fuliyo weerarro lagu qaado guryo si sharci ah loo kala xukumay,” ayuu yiri Afhayeenka.

Waxa uu intaasi ku daray in labo kamid ah raggii weerarka fulinayay la qabtay, halka saddex kalena ay ka fakadeen, iyadoo lagu daba jiro shaqsiyaadkii ka dambeeyay abaabulka falkaasi.

Afhayeenka Booliska ayaa si adag u cambaareeyay sida maleeshiyaadka hubeysan ay falalka amni-darro ku lugta leh ay u adeegsadaan carruur lagu dhalay guryo xoog lagu haysto.

“Waxa na dhibaateynaya ayaa ah in gaariga qaraxyada iyo miinooyinka isku xiran ay wadayaan carruur aan waxba galabsan – kuwaas oo lagu dhashay guryo si xoog ah loo degay,” ayuu yiri Afhayeenka.

Booliiska ayaa sidoo kale soo bandhigay qoryo iyo qalab kale oo dagaal oo ay sheegeen in maleeshiyaadkii weerarka ku lug lahaa ay ka carareen.

WARARKII KALE

Booliska G/Baay oo mamnuucay in hub lagu wato Baydhabo

Hay’adaha ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay...

Taliyaha ciidamada xoogga oo gaaray Berdaale

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo sheegay in muddo xileedka dawladdu uu yahay 5 sano

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa...

Mucaaradka oo kulamo xasaasi ah la leh culimada Soomaaliyeed

Siyaasiinta mucaaradka ee Soomaaliya ayaa maanta kulan muhiim ah...

Iran oo war ka soo saartay wadahadalada ay la galayso Mareykanka

Maxamed Bagher Ghalibaf, afhayeenka baarlamaanka Iiraan, ayaa sheegay in...

Soomaaliya oo si adag uga hortimid tallaabada Israel, khilaafna ka jira Waqooyi Galbeed

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles