Muddo dheeri ah oo lagu diray diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta go’aamiyey in ololaha Isdiiwaangelinta codbiyeyaasha Gobolka Banaadir ay sii socondoonto muddo bil ah oo ka bilaabanaysa maanta oo ah 15 July ilaa 15 Agoosto 2025.

Xubnaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta oo ah 15 Julay cadeeyey in muddo bil ah lagu daray ololaha isdiiwaangelinta codbixiyeyaasha gobolka Banaadir.

Mudadaan dheeraadka ah ee lagu daray ololaha diiwaan-gelinta Codbixiyaasha gobolka Banaadir ayaa timid iyadoo maalinba maalinta ka dambeysa ay sii kordhayaan tirada dadweynaha u soo baxaya inay isdiiwaangeliyaan.

Doorashadaan oo ah doorashadii dadweyne ee ugu horreysay oo ay dadka reer Muqdisho isku diiwaangaliyaan muddo 56 sano ah, ayaa waxaa laga dheehan karaa sida ay shacabka Soomaaliyeed muddo dheer ugu baahi qabeen doorasho iyagu go’aankeeda leeyihiin.

Muwaaddin is-diiwaan-gali oo iska diiwaan-gali dagmadaada si aad u hesho xuquuqdaada codbixinta ee dastuuriga ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Liiska ururada ka qeybgalaya doorashada Galmudug oo la soo saaray

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo saaray liiska ururada siyaasadeed...

JSP oo ku dhawaaqay in Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen uu yahay Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle

Kulanka Guddiga Fulinta ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)...

Taliyaha Milatariga oo la kulamy taliyaha ciidanka gaar ah ee Africom

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Golaha Shacabka oo Joojiyay Lacagtii $100-ka ahayd ee Xildhibaannada laga Jari Jiray

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ku...

Sacudi Carabiya ayaa joojisay dhuumaha shidaalka ee Badda Cas

Weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) lagu qaaday dhuumaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles