Muddo dheeri ah oo lagu diray diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta go’aamiyey in ololaha Isdiiwaangelinta codbiyeyaasha Gobolka Banaadir ay sii socondoonto muddo bil ah oo ka bilaabanaysa maanta oo ah 15 July ilaa 15 Agoosto 2025.

Xubnaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta oo ah 15 Julay cadeeyey in muddo bil ah lagu daray ololaha isdiiwaangelinta codbixiyeyaasha gobolka Banaadir.

Mudadaan dheeraadka ah ee lagu daray ololaha diiwaan-gelinta Codbixiyaasha gobolka Banaadir ayaa timid iyadoo maalinba maalinta ka dambeysa ay sii kordhayaan tirada dadweynaha u soo baxaya inay isdiiwaangeliyaan.

Doorashadaan oo ah doorashadii dadweyne ee ugu horreysay oo ay dadka reer Muqdisho isku diiwaangaliyaan muddo 56 sano ah, ayaa waxaa laga dheehan karaa sida ay shacabka Soomaaliyeed muddo dheer ugu baahi qabeen doorasho iyagu go’aankeeda leeyihiin.

Muwaaddin is-diiwaan-gali oo iska diiwaan-gali dagmadaada si aad u hesho xuquuqdaada codbixinta ee dastuuriga ah.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles