Dagaal culus oo ka qarxay Magaalada Dhahar ee Sanaag

Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in uu halkaas ka qarxay dagaal culus oo u dhexeeya ciidamo ka amar qaata Maamulka Puntland iyo ciidamo deegaanka ah oo ka tirsan Beesha Maakhir, kuwaasoo si buuxda u taageersan dhismaha maamulka Maakhir iyo shirka ka socda magaalada Laascaanood ee lagu dhisayo maamulka Khaatumo.

Rasaasta ayaa si xooggan uga bilaabatay Xaafadda Sare ee magaalada Dhahar, halkaasoo ah gudaha laga soo galo magaalada, islamarkaana ay ku sugan yihiin fariisimo ay leeyihiin ciidamada deegaanka Beesha degta magaaladaasi.

Dagaalka ayaa u muuqda mid salka ku haya khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay mowqifka kala duwan ee ay labada dhinac ka taagan yihiin arrinta ku biirista Maakhir ee maamulka SSC-Khaatumo, iyo in magaalada Dhahar ay qeyb ka noqoto nidaamkaasi cusub.

Illaa iyo hadda faahfaahin rasmi ah lagama hayo khasaaraha ka dhashay dagaalka, balse wararka qaar ayaa sheegaya in laga cabsi qabo in xaaladdu faraha ka baxdo haddii aan si degdeg ah loo joojin dagaalka.

Dagaalkan ka socda magaalada Dhahar ayaa imaanaya xili magaalada Laascaanood uu ka socdo Shirweynaha lagu dhameystirayo dhismaha maamulka SSC Khaatuma.

WARARKII KALE

Xuutiyiinta oo sheegay in ay soo rideen diyaarad ay ku leedahay Sacuudiga

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad aan...

Taliyaha ciidanka Badda oo Talyaaniga uga qaybgalay shir caalami ah

Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya, Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, ayaa...

Dad ku dhintay weerarada Sacuudiga

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa Arbacadii sheegay in saddex qof ay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Doolow“Aniga kama qayb qaadanayo xasaradda Gedo”

Guddoomiyaha degmada Doolow lafey ayaa sheegay inuusan ka qayb...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles