Tuesday, August 11, 2026

Puntland oo DFS ku eedeysay dagaalkii ka dhacay degmada Dhahar

Maamulka Puntland oo war ka soo saartay dagaalkii ka dhacay degmada Dhahar ayaa si kulul u cambaareysay dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ku eedeysay in ay maalmahan colaad ka hurinayso degaannada Puntland ee nabdoon.

Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid Juxaa oo warkan soo saaray ayaa yiri”Waxaan si adag u cambaaraynaynaa Dawladda Federaalka ah oo maalmahan Gobollada Puntland ee nabadda ah ka dhex wadda Hurin colaadeed, kicin bulsho iyo degenaansho la’aan.”

“Waxaan kaloo sida ugu adag ugu cambaaraynaynaa Xukuumadda XSM in ay galabta Maleeshiya hubaysan oo ay soo abaabushay ay Degmada Dhahar ee Gobolka Haylaan ka abuureen xiisad colaadeed keentay dhimasho nafeed. Falkan gurracan oo ah mid lagu dhabar-jebinayo halganka xaqa ah ee ay Puntland kula jirto Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish iyo AS ee buuraha CALMIDKAAD iyo CALMADOW  wuxuu noqonayaa mid Dawladda Federaalka ah lagula xisaabtamo.”

“Waxaa nasiib darro ah in Xukuumadda XSM oo ku fashilantay dhamaan hawlihii loo igmaday inay iyadoo isticmaalaysa deeqihii caalamiga ahaa ee Soomaaliya loogu talo galay ay qori dab leh kula dhex wareegto Gobollada Puntland ee nabadda una soo jeensato wax dumin keli ah. Shalay RAASKAMBOONI maanta DHAHAR” ayuu sii raaciyay Wasiir Juxaa.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

RW Xamsa oo hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ee BFS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta loo doortay...

Ciidamada Itoobiya oo ka baxay Buurhakaba

Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika...

Laftagareen oo Nairobi kula kulmay Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland

Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan...

Xildhibaanada Baarlamaanka oo Maanta Dooranaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles