Puntland oo DFS ku eedeysay dagaalkii ka dhacay degmada Dhahar

Maamulka Puntland oo war ka soo saartay dagaalkii ka dhacay degmada Dhahar ayaa si kulul u cambaareysay dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ku eedeysay in ay maalmahan colaad ka hurinayso degaannada Puntland ee nabdoon.

Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid Juxaa oo warkan soo saaray ayaa yiri”Waxaan si adag u cambaaraynaynaa Dawladda Federaalka ah oo maalmahan Gobollada Puntland ee nabadda ah ka dhex wadda Hurin colaadeed, kicin bulsho iyo degenaansho la’aan.”

“Waxaan kaloo sida ugu adag ugu cambaaraynaynaa Xukuumadda XSM in ay galabta Maleeshiya hubaysan oo ay soo abaabushay ay Degmada Dhahar ee Gobolka Haylaan ka abuureen xiisad colaadeed keentay dhimasho nafeed. Falkan gurracan oo ah mid lagu dhabar-jebinayo halganka xaqa ah ee ay Puntland kula jirto Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish iyo AS ee buuraha CALMIDKAAD iyo CALMADOW  wuxuu noqonayaa mid Dawladda Federaalka ah lagula xisaabtamo.”

“Waxaa nasiib darro ah in Xukuumadda XSM oo ku fashilantay dhamaan hawlihii loo igmaday inay iyadoo isticmaalaysa deeqihii caalamiga ahaa ee Soomaaliya loogu talo galay ay qori dab leh kula dhex wareegto Gobollada Puntland ee nabadda una soo jeensato wax dumin keli ah. Shalay RAASKAMBOONI maanta DHAHAR” ayuu sii raaciyay Wasiir Juxaa.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles