Saturday, August 8, 2026

DFS oo ka hadashay dagaalkii ka dhacay Magaalada Dhahar ee G/Sanaag

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka xuntahay dhacdo ay ku tilmaamtay nasiib darro oo ka dhacday degmada Dhahar ee gobalka Sanaag.

Wasaaraddu waxay dhanka kale tacsi u dirtay dadka halkaas ku geeryooday iyadoo caafimaad u rajeysay kuwa ku dhaawacmay.

“Waxaan ugu baaqaynaa dhinacyada ku lugta leh rabshadaha in ay joojiyaan, sidoo kale bulshada deegaanka iyana waxaan ugu baaqaynaa daganaan iyo Xasilooni”, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka dowladda

“Wasaaraddu, waxay si xushmad leh uga codsanaysaa Isimada Dhaqanka, Culimada iyo Waxgaradku in ay u istaagaan xakamaynta iyo soo afmcerista Xiisadda Dhahar lagana hortago dhacdooyinka nuucaan oo kale ah”, ayaa intaa lagu daray.

“Wasaaraddu waxay ugu baaqaysaa Madaxwaynaha Puntland in uu joojiyo falalka sii hurinaya colllaadda isla markaana uu dib u celiyo Ciidamada uu kasoo diray degmada Qardho kuwaas, oo loogu talo galay in ay Khawarijta ladagaalamaan balse nasiib darro loo weeciyay dano kale oo aan waxtar lahayn”, ayaa lagu yiri warqadda ay soo saartay dowladda

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamad Maraykankan ah oo amartay in la joojiyo dhisme maamulka Trump ka dhisayey Aqalka Cad

Maxkamad federaal oo racfaan oo ku taalla Maraykanka ayaa...

Soomaaliya oo soo dhawaysay heshiiska ay kala saxiixdeen Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay heshiiska difaac...

Xiriirka kubada cagta Norway oo soo saaray baaq ku socda madaxweynaha FIFA

Kubadda cagta caalamka ayaa sii kala qaybsamaysa, iyadoo ay...

Saddex dal oo muslim ah oo gaaray heshiis difaac oo weyn

Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan ayaa kala saxiixday heshiis...

Arday 14 sano jir ah oo toogasho ku laayay dad ay kamid yihiin ayeeydiis iyo awoowgiis

Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha ee Thailand, Polapee Suwanchawee, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles