Sunday, August 16, 2026

Itoobiya oo sheegtay inay qabteen xubno ka tirsan Daacish

Bayaan ay Hay’adda Sirdoonka iyo Ammaanka Qaranka Itoobiya (NISS) soo saartay Isniintii ayaa lagu sheegay in dadka la qabtay ay xidhiidh leeyihiin garabka ISIS ee ka howl-gala Soomaaliya.

Waxaa la sheegay in ay tababarro ku qaateen Puntland, oo ah deegaan is-maamul ah oo ku yaalla waqooyiga-bari Soomaaliya, ka hor inta aan loo kala dirin gobollo kala duwan oo Itoobiya ka tirsan — oo ay ku jiraan caasimadda Addis Ababa, gobolka Amxaarada, iyo gobolka Oromada.

NISS ayaa sidoo kale sheegtay in qaar ka mid ah xubnaha kooxda ay xidhiidh toos ah la leeyihiin shabakadda caalamiga ah ee ISIS, isla markaana ay ka heleen gargaar dhaqaale iyo taageero kaleba.

Mas’uuliyiintu waxay intaas ku dareen in kooxda si dhow loola socday muddo dheer, ayna jireen xog muujinaysa qorshahooda ah inay sal-dhig ka sameystaan Itoobiya si ay halkaas uga wadaan howlgallo argagixiso oo isku xiran.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee cusub oo maanta ku guddoomiyay shirka Golaha Shacabka

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa yeeshay kalfadhiga...

Xamsa oo taleefoon kula hadlay ardayda kaalmaha hore ka galay Imtixaanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhambaal...

DF oo shaacisay natiijada imtixaanka fasalka 12-aad

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Koox TikTok u adeegsanaysay iibinta khamriga oo lagu qabtay Gobolka Bari

Taliska Qeybta Booliska Gobolka Bari ee Puntland ayaa shaaciyay...

Uganda oo sheegtay in Ciidamadeedu sii Joogayaan Soomaaliya

Wasiirka Difaaca iyo Arrimaha Ciidamada Uganda, Kiryowa Kiwanuka, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles