Wasiir ka tirsan Jubbaland oo ku geeriyooday Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Maxamuud Cabdinuur Beerxaani oo ahaa wasiir ku-xigeenka Degaanka iyo isbedelka cimilada Jubbaland oo mudooyinkii udambeeyay ku jiray Isbitaal ku yaala Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya halkaas oo ugu dambeyntii uu Maanta ku geeriyooday.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka tacsiyadeeyay geerida marxuumka. geerida Marxuumka, wuxuuna sheegay inuu door muhiim ah ka soo qaatay dhismaha dowladnimada Jubbaland.

Qoraalka Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa u qornaa sidan:-

Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee dowladda Jubbaland mudane maxamuud sayid aadan, ayaa ka tacsiyeeyay geerida allaha u naxariistee marxuum maxamuud cabdinuur beerxaani oo ahaa wasiir ku-xigeenka wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimilada dowladda Jubbaland oo maanta ku geeriyooday magaalada muqdisho.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa xusay in marxuumka uu door muhiim ah ka soo qaatay dhismaha dowladnimada Jubbaland, isagoo muddadii uu ka tirsanaa golaha wasiirrada qabtay shaqooyin qiimo leh oo muhiim u ahaa dowlad-dhiska Jubbaland.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa tacsi u diray ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo dadka reer Jubbaland ee uu ka baxay marxuum maxamuud cabdinuur beerxaani, isaga oo alle uga baryay in uu naxariistii janno ka waraabiyo, samir iyo iimaan ka siiyo dhammaan ehelkiisa iyo guud ahaan shacabka Jubbaland.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles