Saturday, June 13, 2026

Wasiir ka tirsan Jubbaland oo ku geeriyooday Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Maxamuud Cabdinuur Beerxaani oo ahaa wasiir ku-xigeenka Degaanka iyo isbedelka cimilada Jubbaland oo mudooyinkii udambeeyay ku jiray Isbitaal ku yaala Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya halkaas oo ugu dambeyntii uu Maanta ku geeriyooday.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka tacsiyadeeyay geerida marxuumka. geerida Marxuumka, wuxuuna sheegay inuu door muhiim ah ka soo qaatay dhismaha dowladnimada Jubbaland.

Qoraalka Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa u qornaa sidan:-

Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee dowladda Jubbaland mudane maxamuud sayid aadan, ayaa ka tacsiyeeyay geerida allaha u naxariistee marxuum maxamuud cabdinuur beerxaani oo ahaa wasiir ku-xigeenka wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimilada dowladda Jubbaland oo maanta ku geeriyooday magaalada muqdisho.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa xusay in marxuumka uu door muhiim ah ka soo qaatay dhismaha dowladnimada Jubbaland, isagoo muddadii uu ka tirsanaa golaha wasiirrada qabtay shaqooyin qiimo leh oo muhiim u ahaa dowlad-dhiska Jubbaland.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa tacsi u diray ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo dadka reer Jubbaland ee uu ka baxay marxuum maxamuud cabdinuur beerxaani, isaga oo alle uga baryay in uu naxariistii janno ka waraabiyo, samir iyo iimaan ka siiyo dhammaan ehelkiisa iyo guud ahaan shacabka Jubbaland.

WARARKII KALE

Koofur galbeed oo soo saartay go’aano amni oo lagu sugayo Baydhabo

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Madaxweynaha Somaliland oo beri tagaya Israa’iil

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed...

Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab Ku Qaadday Saldhig Ku Yaalla Mandheera

Ciidamada ammaanka Kenya ayaa ka hortagay weerar habeenimo oo...

FBI-da Oo Gacanta Ku Dhigtay Soomaali Lagu Eedeeyay Musuqmaasuq Ka Badan $4 Milyan

Hay’adda Baarista Federaalka Mareykanka ee FBI-da ayaa shaacisay inay...

22 dal oo digniin wadajir ah u diray Iiraan`

Labaatan iyo laba dal, oo ay ku jiraan Mareykanka...

Xasan Sheekh oo arrimo xasaasi ah kala hadlay saraakiisha Hirshabelle

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jowhar ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles