Wednesday, June 17, 2026

Axmed Madoobe oo ka tacsiyeey geerida ku timid wasiir Beexaani

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa ka tacsiyeyay geerida ku timid Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ee Jubbaland, Marxuum Maxamuud Cabdinuur Beexaani, oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweynuhu waxa uu tacsi u diray qoyskii, eheladii, bahda wasaaradda iyo guud ahaan shacabka Jubbaland, isagoo yiri”Waxaan uga tacsiyeynayaa qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka reer Jubaland geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Cabdinuur Beexaani. Marxuumku wuxuu ahaa masuul si mug leh ugu soo shaqeeyay dalkiisa, una adeegay si daacadnimo iyo xilkasnimo leh. Waxa uu door muuqda ka qaatay arrimaha deegaanka iyo la tacaalidda isbeddelka cimilada.”

Madaxweyne Axmed Madoobe waxa uu Alle uga baryay in uu marxuumka ku abaalmariyo naxariistiisa Janno, isaga oo yiri”Waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, kana yeelo kuwii Jannatul Firdowsa guryahooda ka dhigtay. Aamiin.”

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Duqaymaha Israa’iil ee Koonfurta Lubnaan oo sii kordhaya

Waxaa jira duqaymo dheeraad ah oo Israa’iil ay ka...

Somaliland oo ka hadashay eedeymihii Saldhigga Israa’iil iyo Xarunta Sirdoonka

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali, ayaa sheegay inaysan...

Jubbaland oo DFS ku eedeysay Xirnaanshaha Garoonka Doolow

Maamulka Jubbaland ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay...

Mareykanka oo G/Jubbada Hoose ku dilay qoys rayid ah iyo caruur kadib duqeyn ay fuliyeen

Warbixinta uu qoray wargeyska The Guardian ayaa lagu sheegay...

Burcad-badeed Hubeysan oo Weerarro Ka Fuliyay Xeebaha Yemen iyo Soomaaliya

Koox Burcad badeed hubeysan ayaa waxaa ay weerar ku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles