Xildhibaanada Mucaaradka ee BFS oo Madaxda DF ku eedeeyay hurinta colaada ka taagan Sanaag iyo Gedo

Xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kuna midoobay Madasha Samata-Bixinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa si adag uga digay xaalado colaadeed oo ay sheegeen in Dowladda Federaalka Soomaaliya ka hurinayso Gobollada Sanaag iyo Gedo.

Qoraal war-saxaafadeed ah oo ay soo saareen  ku sheegeen in dowladda Federaalka ay mas’uul ka tahay kicinta colaadda maanta ka dhacday magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag, taasoo ay ku eedeeyeen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamse.

Waxaa kale oo ay sheegeen in gobolka Gedo si ula kac ah looga wado abaabul colaadeed, iyadoo la doonayo in lagu khalkhal geliyo dadka deegaanka oo markii horeba la daalaa-dhacayay dhibaatooyin nololeed.

Waxa ay sidoo kale xuseen in dowladda ay gabi ahaanba joojisay duulimaadyadii tegayay degmooyinka Gedo iyo Doolow, taasoo ay ku tilmaameen cadaadis siyaasadeed oo si toos ah u saameynaya nolosha shacabka.

Xildhibaanadan ayaa uga digay dowladda Federaalka in ay sii waddo talaabooyin noocan ah, iyagoo sheegay in ay u arkaan colaad hurin iyo halis weyn oo lagu wiiqayo deganaanshaha dalka.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles