Booliska Puntland oo war ka soo saaray dagaalkii Dhahar

War ka soo baxay Booliska Puntland ayaa lagu hadlay dagaalkii ka dhacay Magaalada Dhahar ee Gobolka Sanaag.

Ciidanka Booliska Puntland ayaa si buuxda u xakameeyay shaqaaqo shalay ka dhacday magaalada Dhahar, kadib Markii kooxo maleeshiyo hubeysan oo sharci-darro ah ay weerar ku soo qaadeen ciidamada amniga oo ka yimid deegaanka Baraagaha-Qol. Weerarkan oo laga soo abaabulay Xamar ayaa sababay Dhimasho iyo Dhaawac.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Haylaan, G/Sare Jaamac Maxamuud Gabayre, ayaa sheegay in kooxahan abaabulan ay isku dayayeen in ay carqalad ku abuuraan amniga iyo xasilloonida gobolka, hase yeesheen ciidanka booliska iyo kuwa amniga ayaa si geesinimo leh uga hortageen.

Booliska Puntland ayaa shacabka magaalada Dhahar ugu baaqay in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, kana warbixiyaan cid kasta oo looga shakiyo falal amni-darro ah, iyagoo balan qaaday in ay sii wadi doonaan howlgalka sugidda nabadgelyada iyo ilaalinta sharciga

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxaa ka soo baxay Wadahadallada u dhexeeyey Guddoomiye Jaamac iyo Xildhibaanno Mucaaradka

Waxaa soo gabagaboobay wadahadallo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Sheekh Shariif oo Cambaareeyay Howlgalka Yaaqshiid“Boqolaal qoys ayaa la Barakiciyay”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

Maxay ka wadahadleen Fiqi iyo Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Aadan Madoobe oo weerarkii Baydhabo kadib kulan la qaatay saraakiisha ciidamada

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Kheyre oo si u weeraray Xasan Sheekh Kadib dhacdadii Yaaqshiid

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles