Booliska Puntland oo war ka soo saaray dagaalkii Dhahar

War ka soo baxay Booliska Puntland ayaa lagu hadlay dagaalkii ka dhacay Magaalada Dhahar ee Gobolka Sanaag.

Ciidanka Booliska Puntland ayaa si buuxda u xakameeyay shaqaaqo shalay ka dhacday magaalada Dhahar, kadib Markii kooxo maleeshiyo hubeysan oo sharci-darro ah ay weerar ku soo qaadeen ciidamada amniga oo ka yimid deegaanka Baraagaha-Qol. Weerarkan oo laga soo abaabulay Xamar ayaa sababay Dhimasho iyo Dhaawac.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Haylaan, G/Sare Jaamac Maxamuud Gabayre, ayaa sheegay in kooxahan abaabulan ay isku dayayeen in ay carqalad ku abuuraan amniga iyo xasilloonida gobolka, hase yeesheen ciidanka booliska iyo kuwa amniga ayaa si geesinimo leh uga hortageen.

Booliska Puntland ayaa shacabka magaalada Dhahar ugu baaqay in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, kana warbixiyaan cid kasta oo looga shakiyo falal amni-darro ah, iyagoo balan qaaday in ay sii wadi doonaan howlgalka sugidda nabadgelyada iyo ilaalinta sharciga

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles