Wednesday, June 24, 2026

Madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Suuriya, Axme Al-Sharaa oo eedeyn u jeediyay Israa’iil

Madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Suuriya ayaa sheegay, in cid kasta oo ku xad-gudbay qowmiyadda Druze ee dalkaasi lala xisaabtami doono, ka dib iska horimaadyo ay ku dhinteen in ka badan saddex boqol iyo konton qof.

Axmed al-Sharaa ayaa hadlay kadib markii ciidamada Suuriya ay bilaabeen inay isaga baxaan magaalada ay ku badanyihiin qowmiyaddaas Druze ee Sweida.

Waxa uu sheegay in mas’uuliyadda amniga deegaanada Druze uu ku wareejinayo odayaasha iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Waxa uu ku eedeeyay Israa’iil in ay “bartilmaameed ballaaran” ku hayso goobaha rayidka iyo dawladda Suuriya

Israa’iil waxay sheegtay in ciidamada Suuriya ee ku sugan Sweida ay weerar ku qaadeen dadka rayidka ah ee Druze, Arbacadiina waxay duqeymo xagga cirka ah ku qaadeen goobaha dowladda Suuriya oo ay ku jiraan wasaaradda gaashaandhigga iyo madaxtooyada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles