Wednesday, June 24, 2026

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle iyo Maareeyaha NIRA oo Kormeeray Xarunta Cusub  NIRA ee Jowhar (Sawiro)

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cabdirahman Daahir Guure (Karoorre) iyo Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde) ayaa maanta si wadajir ah u kormeeray xarunta cusub ee Hay’adda NIRA ee Jowhar.

Kormeerkan ayaa qeyb ka ah diyaargarowga furitaanka rasmiga ah ee laanta Hirshabeelle ee NIRA, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda si rasmi ah xarigga looga jaro. Ujeedada kormeerka ayaa ahayd in lagu qiimeeyo heerka uu marayo diyaar-garowga xarunta iyo habsami u socodka howlaha la xiriira bixinta adeegyada muwaadiniinta.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde) ayaa xusay in dhawaan la furi doono xarumo cusub oo NIRA ay ku yeelanayso magaalooyinka Baladweyne, Balcad, iyo Buulo-Burde, si loo dardargeliyo adeegyada diiwaangelinta iyo bixinta Kaarka Aqoonsiyada Qaranka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles