Tuesday, April 21, 2026

Wasiir Fiqi oo ka qeyb galay shirka Wasiirrada Gaashaandhigga dalalka ciidanka heeganka Afrikada Bari ee ka socda Muqdisho

Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho Shirka 34-aad ee Wasiirrada Gaashaandhigga dalalka xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari (Eastern Africa Standby Force – EASF), iyadoo ay kasoo qeyb galeen wasiirro, saraakiil ciidan iyo wakiillo ka socday dalalka xubnaha ka ah ururkan.

Shirka ayaa waxaa furay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi, kaas oo sheegay in Soomaaliya ay ku rajo weyn tahay in la hirgeliyo himilooyinkii loo aas-aasay EASF, isagoo xusay doorka muhiimka ah ee ay dalalka gobolka ku leeyihiin adkeynta amniga iyo xasilloonida gobolka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

“Shirkan wuxuu ku soo beegmay xilli xasaasi ah oo gobolkan uu wajahayo caqabado badan iyo khataro amni oo halis ku ah nabadda iyo xasilloonida. Waxaan ku boorrinayaa in iskaashi buuxa laga yeesho sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinkaasi,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka ayaa sidoo kale si gaar ah u xusay taageerada ay dalalka xubnaha ka ah EASF u muujiyeen Soomaaliya, isagoo uga mahadceliyay dadaalkooda ku aaddan la dagaalanka kooxaha xagjirka ah iyo taageerada amni ee ay siiyaan dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlo arrinta markabkii hubka siday ay qabatay Puntland, taas oo dhalisay su’aalo badan oo ku saabsan xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada.

Shirka ayaa la filayaa in la soo gaba-gabeeyo, iyadoo laga soo saari doono war-murtiyeed rasmi ah oo lagu xoojinayo iskaashiga amni ee gobolka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ciidamo taabacsan Laftagareen oo diiday doorasho ka dhacda Baydhabo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in...

Mucaaradka oo ku dhawaaqay Badbaado Qaran oo ka dhan ah MW Xasan Sheekh

Siyaasiinta mucaaradka Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan xubnaha saami...

15 Wasiir oo Wajahaya Doorasho adag Kadib Go’aan Cusub oo ka soo baxay MW Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu...

Mucaaradka iyo odayaasha Dhaqanka Hawiye oo maanta yeelanaya shir ka dhan ah MW Xasan Sheekh

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka...

Itoobiya oo Xirtay 138 Qof oo lagu eedeeyay Argagixiso iyo Carqaladeyn Doorashooyinka

Hay’adda Sirdoonka iyo Ammaanka Qaranka ee Itoobiya ayaa shaacisay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles