RW Xamsa oo kulan la qaatay danjiraha Ururka Jaamacada Carabta u qaabilsan Soomaaliya?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiikiisa ku qaabilay Danjiraha Ururka Jaamicadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya, Abdalla Cuteybi, waxa ayna ka wada hadleen xoojinta iskaashiga ka dhexeeya dowladaha xubnaha ka ah Ururka Jaamicadda Carabta ee ku aaddan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa la wadaagay Danjiraha, guulaha ay ku tallaabsatay dowladda Soomaaliya ee dhinacyada horumarka dhaqaalaha, siyaasadda iyo amniga, waxa uuna uga mahadceliyay doorka Ururka Jaamicadda Carabta wada-shaqaynta wanaagsan ee kala dhexaysa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Danjire Cabdalla Cuteybi, ayaa sheegay in ay dalkeenna imaan doonaan wafdi sare oo ka socda Jaamicadda Carabta kuwaas oo dalka ka hirgalin doona mashaariic, isaga oo xusay doorka wanaagsan ee Soomaaliya ku leedahay horumarinta iskaashiga dalalka ku mideysan Ururka Jaamicadda Carabta.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxaa ka soo baxay Wadahadallada u dhexeeyey Guddoomiye Jaamac iyo Xildhibaanno Mucaaradka

Waxaa soo gabagaboobay wadahadallo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Sheekh Shariif oo Cambaareeyay Howlgalka Yaaqshiid“Boqolaal qoys ayaa la Barakiciyay”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

Maxay ka wadahadleen Fiqi iyo Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Aadan Madoobe oo weerarkii Baydhabo kadib kulan la qaatay saraakiisha ciidamada

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Kheyre oo si u weeraray Xasan Sheekh Kadib dhacdadii Yaaqshiid

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles