Faahfaahin ka soo baxaya markab hub siday oo Puntland ay qabatay

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Markab saanad hub ah saaran tahay oo xeebaha maamulka Puntland ay ku qabteen ciidamada PMPF ee Puntland oo ah ciidamo ay gacanta ku heyso dowladda Imaaraadka Carabta.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in markabkan oo lagu magacaabo Sea World ay cilad ku qabsatay Badda, taasoo keentay inuu u soo dhowaado xeebaha Gobolka Bari, gaar ahaan degaanka Caluula, halkaasoo ciidamadan PMPF oo Doonyo wata ay markabka qabteen ..

Muuqaallada Markabka laga soo qaaday oo ay duubeen ciidamada PMPF ayaa muujinaya inuu sido Gaadiidka gaashaaman oo ay uu muuqdo calanka Turkiga.

Markabka ayaa la sheegay inuu ku socday Muqdisho, balse ma cadda gaadiidka gaashaaman iyo Hubka saaran inay u socdeen ciidamada Turkiga ee Soomaaliya jooga iyo inay loogu talogalay ciidamada dowladda Federaalka.

Intii markabku ku sugnaa Xeebaha degaanka Bareeda ayey ciidamada Puntland iyo maamulka degaankaasi kala degeen qeyb ka mida Hubkii fududaa, iyagoo Doonyo ku qaaday oo geeyay xarun ku taalla degmada Caluula.

Maleeshiyaadka degaanka oo ka war helay Hubka lagala degay Markabka ayaa weeraray xaruntii lagu keydiyay hubkaasi, waxaana la sheegay inay la wareegeen oo hubkii u gacan galay dadka degaanka.

Madaxweynaha Puntland ayaa la sheegay inuu dalbaday in Markabka loo soo wareejiyo dekadda Boosaaso, iyagoo halkaas la filayo in lagu soo bandhigo.

Hubka saaran ayaa waxaa ka mida 12 Beebe, Qoryaha boobayaasha culus iyo Saanad kala duwan, iyadoo aysan weli cidna sheegan Hubkan.

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka gaabsaday arrinta markabka hubka sida ee ciidamada Puntland qabteen.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles