Faahfaahin ka soo baxaya markab hub siday oo Puntland ay qabatay

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Markab saanad hub ah saaran tahay oo xeebaha maamulka Puntland ay ku qabteen ciidamada PMPF ee Puntland oo ah ciidamo ay gacanta ku heyso dowladda Imaaraadka Carabta.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in markabkan oo lagu magacaabo Sea World ay cilad ku qabsatay Badda, taasoo keentay inuu u soo dhowaado xeebaha Gobolka Bari, gaar ahaan degaanka Caluula, halkaasoo ciidamadan PMPF oo Doonyo wata ay markabka qabteen ..

Muuqaallada Markabka laga soo qaaday oo ay duubeen ciidamada PMPF ayaa muujinaya inuu sido Gaadiidka gaashaaman oo ay uu muuqdo calanka Turkiga.

Markabka ayaa la sheegay inuu ku socday Muqdisho, balse ma cadda gaadiidka gaashaaman iyo Hubka saaran inay u socdeen ciidamada Turkiga ee Soomaaliya jooga iyo inay loogu talogalay ciidamada dowladda Federaalka.

Intii markabku ku sugnaa Xeebaha degaanka Bareeda ayey ciidamada Puntland iyo maamulka degaankaasi kala degeen qeyb ka mida Hubkii fududaa, iyagoo Doonyo ku qaaday oo geeyay xarun ku taalla degmada Caluula.

Maleeshiyaadka degaanka oo ka war helay Hubka lagala degay Markabka ayaa weeraray xaruntii lagu keydiyay hubkaasi, waxaana la sheegay inay la wareegeen oo hubkii u gacan galay dadka degaanka.

Madaxweynaha Puntland ayaa la sheegay inuu dalbaday in Markabka loo soo wareejiyo dekadda Boosaaso, iyagoo halkaas la filayo in lagu soo bandhigo.

Hubka saaran ayaa waxaa ka mida 12 Beebe, Qoryaha boobayaasha culus iyo Saanad kala duwan, iyadoo aysan weli cidna sheegan Hubkan.

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka gaabsaday arrinta markabka hubka sida ee ciidamada Puntland qabteen.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ukraine oo wajahaysa ‘jiilaalkii ugu adkaa’ tan iyo markii Ruushku kusoo qaaday duullaanka baaxadda leh

Ukraine ayaa wajahaysa "jiilaalkeedii ugu adkaa" tan iyo markii...

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa lagu...

Madaxweynahe xasan sheekh oo daahfuray barnaamijka abuur iyo sannad-tacliimeedka 2026/2027 ee waxbarashada sare ee dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo guddoomiyey kulanka xisaabtanka sanadlaha ah ee Xukuumadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre...

Shir madaxeedka dalalka BRICS oo doodiisa ay hareeyeen go’aamada masaxweyne Trump

Mareykanku ma aha xubin ka tirsan ururka BRICS, balse...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles