Wednesday, September 3, 2025

Dad gargaar loo qeybinayay oo lagu dilay Marinka Gaza

Ciidammada Israa’iil ayaa dilay ugu yaraan 67 qof oo sugayay gawaadhida gargaarka ee Qaramada Midoobay waqooyiga Qasa, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho.

Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in kolonyadooda 25-ka ah ee xammuulka ah “ay la kulmeen dad badan oo rayid ah oo gaajaysan kuwaas oo rasaas lagu furay”, wax yar kaddib markii ay ka soo gudbeen Israa’iil oo ay banneeyeen isbaarooyin.

Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegay in ay “rideen rasaas digniin ah” si meesha looga saaro “khatar degdeg ah”.

Muran ayaa ka taagan tirada dhimashada la sheegay. Laakiin Sabtidii wasaaraddu waxay ka digtay in gaajada ba’an ay ku sii faafayso Qasa, tirada sii kordhaysa ee dadkuna ay imanayaan xarumaheeda “iyagoo ku jira duruufo adag ay ka muuqdaan”.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 02/09/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

370 qof oo ku geeriyooday ciid ka soo duntay buuraha Marra ee galbeed Sudan

Ku xigeenka isu-duwaha arrimaha bani’aadannimada Qaramada Midoobay u qaabilsan...

Booliska iyo Xeer-Ilaalinta oo gubay Daroogadii ugu halista badneed iyo digniin loo diray Ganacsatada

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo Xeer-ilaalinta Qaranka ayaa maanta si...

Shacabka Mandheera oo Dalbaday in Magaalada laga Saaro Ciidamada Jubbaland

Shacabka magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa...

Koox hubeysan oo xalay Nabadoon ku dishay Beledxaawo

Nabadoon Aadan Maxamuud Buurdhuubo ayaa xalay lagu dilay degmada...

Puntland oo sheegtay in ay godadka ku burburisay xubno ka tirsanaa Daacish

Ciidamada difaaca Puntland ayaa Hawlgal culus ka fuliyay togga...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles