Monday, July 20, 2026

Nin hubeysan oo dad ku dilay Hargeysa

Nin baastoolad ku hubeysan ayaa xalay laba qof ku dilay Suuqa Hoose ee Magaalada Hargeysa, kadib markii uu rasaas ku furay gaari yar oo dadweynuhu isticmaalaan, kaas oo taagnaa boosteejada laga raaco gaadiidka xaafadaha Hargeysa.

Goob joogayaal ayaa sheegay in dilka uu dhacay xilli uu socday dhaqdhaqaaqii caadiga ahaa ee suuqa, islamarkaana dadka la beegsaday ay saarnaayeen mid ka mid ah basaska yaryar ee u kala goosha xaafadaha magaalada.

Ninka weerarka geystay ayaa durba goobta ka baxsaday, waxaana si degdeg ah u bilaabmay baaritaanno ay wadaan ciidamada ammaanka Somaliland.

Dilka ayaa argagax ku reebay dadkii ku sugnaa suuqa, iyadoo arrintan ay dib usoo kicisay walaacii hore ee la xiriiray ammaanka gudaha magaalada, gaar ahaan goobaha ay dadku si weyn isugu yimaadaan.

Maamulka Somaliland weli kama aysan bixin war rasmi ah oo ku saabsan dhacdadan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Caawa waxaa soo gabagaboobaya tartankii Koobka Adduunka ee ugu dheeraa taariikhda

Ka dib shan toddobaad oo tartan ah iyo 104...

Masar iyo Soomaaliya oo ka wadahadlay Badmaaxiinta lagu afduubtay dalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdel Aaty, ayaa...

Waqtiga uu furmayo Kalfadhiga 8-aad ee BFS oo la Shaaciyay

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ruto oo Ballanqaaday inuu Taageerayo Musharraxa ay Ku Midoobaan Soomaalida Kenya

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa kulan albaabadu u xiran...

Erdogan oo Baarlamaanka Turkiga Ka Dalbaday Kordhinta Joogitaanka Ciidamada Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip ErdoÄŸan, ayaa si rasmi ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles