Monday, August 10, 2026

Dib u dhac ku yimid Fadhigii Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo iyo khilaaf taagan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland ayaa si rasmi ah u shaacisay in la dib dhigay fadhigii labaad ee kalfadhiga 30-aad ee Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii la tixgeliyay warqad ka timid Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Mudug oo ku saabsan xaaladda amni ee Gobolka iyo talo soo jeedin la xiriirta dib u dhigidda fadhiga. Warqaddaas ayaa sumaddeedu ahayd MGM/XG/DPL/SOM/153/2025 kuna taariikheysneyd 20 Luuliyo 2025.

Wasaaraddu waxay sheegtay in arrintani ay tahay mid ku saleysan danta guud iyo xasilloonida siyaasadeed ee gobolka. Waxaana lagu wargeliyay Guddoomiyaha Golaha Deegaanka, xubnaha golaha, iyo hay’adaha kala duwan ee khuseeya in fadhiga dib loo dhigay illaa waqti dambe oo la shaacin doono.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa intaa ku dartay in go’aan dambe laga gaari doono waqtiga ugu habboon ee lagu qaban karo fadhiga Golaha Deegaanka ee Degmada Gaalkacyo.

Dhanka kale Inta badan xubnaha golaha degaanka Gaalkacyo oo mooshin ka gudbiyay duqa degmadaasi, Maxamed Cabdirisaaq Daacad ayaa ka horyimid go’aan ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland, kaasi oo dib loogu dhigay Kal-fadhigii golaha.

23 xubnood oo ka tirsan golaha degaanka Gaalkacyo, kuwaasi oo ku saxiixan mooshinkii laga keenay duqa degmada ayaa ka horyimid go’aanka wasaaradda oo ay ku tilmaameen mid khilaafsan dastuurka iyo shuruucda Puntland, islamarkaana waxay sheegeen in aysan u hoggaansami doonin go’aankaasi.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 08 2026.

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Israa’iil oo diidday qorshaha Trump ee 15-ka qodob ka kooban ee Gaza, sida uu sheegay Netanyahu

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa diiday qorshaha 15-ka...

Bogga hoggaamiyaha Iran oo lagu sheegay in ay kulmeen Mojtaba Khamenei iyo Masoud Pezhakian

Bogga internetka ee Hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ayaa sheegay...

Wasiir Fiqi oo la kulmay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan...

Pakistaan oo War ka soo saartay halka ay marayo sii deynta shaqaale lagu haysto Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan ayaa sheegtay in ay socdaan...

Cumaan oo sheegtay in wadahadallada ku saabsan Hormuz ay meel fiican marayaan

Cumaan ayaa sheegtay in wadahadallo wanaagsan ay la yeelanayeen...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles