Tuesday, March 3, 2026

Guddoomiye Mungaab oo go’aan ka adag ka soo saaray dhul boob lagu hayo ganacsatada Suuqa Bakaaraha

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta kormeer ku tagay suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha, si looga jawaabo cabasho maalmahan ka soo yeereysay ganacsatada suuqa, taasoo ku aaddan shaqsiyaad dhul-boob ka waday qaybo kamid ah suuqa.

Guddoomiyaha oo dhegaystay cabashada shacabka, ayaa waxa uu ku dhawaaqay go’aan kasoo baxay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo ah in aysan jirin cid barakicin karta ganacsatada, isla markaana uusan jirin amar kasoo baxay maamulka Gobolka Banaadir ama madaxda Qaranka oo ku aaddan dhulka suuqa Bakaaraha, oo ay leedahay Dowladda Hoose ee Xamar.

“Waxaan kusoo baxay qeylo-dhaantiinna, waxaana isoo diray Madaxweynaha dalka, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud. Ma jiro qof sharciyad u haysta dhulkaan, mana jiro qof ama dad idin barakicin kara, ee nabad ku shaqaysta. Qofkii idin soo aado, annaga ayaa idinka qaban doonna. Dadka damaca uga jiro dhulkan waxaan leeyahay: Iimaanka Alle ha idin geliyo.”

Duqa Muqdisho ayaa shaaciyay in ay masuuliyad ka saaran tahay ilaalinta shacabka iyo hantidooda, isagoo caddeeyay in aysan jirin cid ku xadgudbi karto suuqyada ganacsi ee Muqdisho, sida Bakaaraha, Suuq Bacaad, Suuqa Xamarweyne, iyo dhammaan suuqyada kale. Waxa uu sidoo kale digniin u diray dadka soo sameystay dokumentiyo been abuur ah oo raba in ay ku qaataan dhulka dowladda.

Kormeerka maanta ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa waxaa ku wehliyey Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda, Mudane Maxamed Axmed Diiriye; Agaasimaha Waaxda Suuqyada, Mudane Nuur Xuseen Xasan; iyo Guddoomiyaha Degmada Hawlwadaag, Mudane Bashiir Cabdi Maxamed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

Horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles