Xildhibaannada Mucaaradka “Waa in gacanta la qabto xukuumadda Xasan Sheekh.”

Xildibaanada mucaaradka ee ku mideysan  Golaha Samatabixinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa war-saxaafadeed ay maanta soo saareen ku muujiyay walaac xooggan oo ay ka qabaan xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyagoo si gaar ah farta ugu fiiqay hubanti la’aanta siyaasadeed, kala fogaanshaha dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, gaar ahaan Jubbaland iyo Puntland, iyo sidoo kale hub sharci darro ah oo dalka kusoo qulqulaya.

Xildhibaannada Golaha Samatabixinta ayaa si adag u dhaleeceeyay sida ay wax u wadaan madaxda dowladda talada haysa, waxayna si gaar ah u sheegeen in loo baahan yahay in “gacanta laga qabto xukuumadda Xasan Sheekh” si loo badbaadiyo mustaqbalka dalka iyo rajadii shacabka Soomaaliyeed.

Waxay xuseen in kulamadii u dhexeeyay Madaxweynaha iyo mucaaradka muddo laba bilood socday aysan wax natiijo ah keenin, taas oo muujinaysa xaalad halis ah oo dalka gelin karta jahwareer siyaasadeed iyo niyad-jab bulsho.

Goluhu wuxuu ugu baaqay bulshada caalamka in ay si degdeg ah uga falceliyaan xaaladda Soomaaliya, isla markaana ay garab istaagaan dadaallada lagu xasilinayo siyaasadda iyo dhismaha dowladnimo dhab ah oo loo dhan yahay.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles