NISA oo Burburisay Kayd Qaraxyo oo AS ay Ku lahaayeen G/Sh/Hoose

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa shaaca ka qaaday in cutubka gaarka ah ee Gaashaan uu xalay fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo lagu burburiyay xarun ay kooxda Al-Shabaab u adeegsan jirtay kaydinta waxyaabaha qarxa.

War-saxaafadeed rasmi ah oo NISA soo saartay Isniintii ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu saleynayay xog sirdoon oo la xaqiijiyay, taasoo muujisay in xaruntaas laga diyaarinayay weerarro halis ah oo lagu beegsan lahaa shacabka Soomaaliyeed.

“Goobta waxaa Khawaarijtu u adeegsanayeen diyaarinta waxyaabaha qarxa ee lagu dhibaateyn lahaa shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri bayaanka.

NISA waxay xaqiijisay in howlgalka lagu burburiyay xarunta si buuxda, islamarkaana uusan jirin wax khasaare rayid ah, taasoo muujinaysa sida ciidanku u fuliyeen hawlgalkan si xirfadeysan oo looga hortagayo shirqool weyn.

Tani waa markii labaad oo dhowaanahan lagu beegsado deegaanka Dhanaane. Bishii Juun 3-deedii, cutubka Gaashaan ayaa isla deegaankaas ka fuliyay howlgal kale oo lagu dilay sarkaal sare oo Al-Shabaab ah oo la sheegay inuu mas’uul ka ahaa hawlgallada kooxda ee Dhanaane, Jilib Marka, iyo Gandarshe.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay sii xoojineyso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo laga howlgalayo qeybo badan oo dalka ka mid ah, gaar ahaan Koonfur Galbeed, HirShabeelle iyo Galmudug, iyadoo ay ka qeyb qaadanayaan ciidamada deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah..

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles