Monday, May 11, 2026

NISA oo Burburisay Kayd Qaraxyo oo AS ay Ku lahaayeen G/Sh/Hoose

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa shaaca ka qaaday in cutubka gaarka ah ee Gaashaan uu xalay fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo lagu burburiyay xarun ay kooxda Al-Shabaab u adeegsan jirtay kaydinta waxyaabaha qarxa.

War-saxaafadeed rasmi ah oo NISA soo saartay Isniintii ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu saleynayay xog sirdoon oo la xaqiijiyay, taasoo muujisay in xaruntaas laga diyaarinayay weerarro halis ah oo lagu beegsan lahaa shacabka Soomaaliyeed.

“Goobta waxaa Khawaarijtu u adeegsanayeen diyaarinta waxyaabaha qarxa ee lagu dhibaateyn lahaa shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri bayaanka.

NISA waxay xaqiijisay in howlgalka lagu burburiyay xarunta si buuxda, islamarkaana uusan jirin wax khasaare rayid ah, taasoo muujinaysa sida ciidanku u fuliyeen hawlgalkan si xirfadeysan oo looga hortagayo shirqool weyn.

Tani waa markii labaad oo dhowaanahan lagu beegsado deegaanka Dhanaane. Bishii Juun 3-deedii, cutubka Gaashaan ayaa isla deegaankaas ka fuliyay howlgal kale oo lagu dilay sarkaal sare oo Al-Shabaab ah oo la sheegay inuu mas’uul ka ahaa hawlgallada kooxda ee Dhanaane, Jilib Marka, iyo Gandarshe.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay sii xoojineyso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo laga howlgalayo qeybo badan oo dalka ka mid ah, gaar ahaan Koonfur Galbeed, HirShabeelle iyo Galmudug, iyadoo ay ka qeyb qaadanayaan ciidamada deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah..

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha JFS oo ka hadlay Xaaladda Guud ee Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

DFS iyo Beesha Caalamka oo ka wadahadlay arrimaha amniga

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda  Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa...

DFS oo mucaaradka ku eedeysan inay abaabulayaan banaanbax rabshado wata

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aanay diidaneen dibadbax...

Shacabka Koofur Galbeed oo saaka doorasho u dareeray

Deegaannada Dowlad Goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya ayaa saaka looga...

Mucaaradka oo aqbalay in Bannaanbaxa lagu qabto Garoonka Injineer Yariisow

Siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn aqbalay in bannaanbaxooda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles