Jubbaland oo la wareegtay Xarunta Beledxaawo kadib Dagaal culus

Maamulka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in ay si buuxda ula wareegeen xarunta degmada Beledxaawo iyo guud ahaan ammaanka magaalada, kadib dagaal culus oo maanta dhacay.

Dagaalka ayaa dhacay kaddib markii uu magaalada ku soo degay Taliyaha Nabadsugidda dowladda Soomaaliya ahna Hogaanka Amniga Gedo, Abdirashiid Janan, oo muddo dheer ka maqnaa gobolka.

Taliyaha ayaa lagu dajiyay xerada ciidamada ee UK, waxaana la socday laba diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca ah (helikobtaro), kuwaas oo sida la sheegay siday ciidamo gaar ah iyo saraakiil amni.

Labada kadib ayaa kadib dagaal culus ku dhexmaray gudaha magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo

Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee Jubbaland iyo guddoomiyaha degmada Beledxaawo ayaa xaqiijiyay in ciidamada Jubbaland ay la wareegeen gacan ku haynta xarunta degmada Beledxaawo.

Xaaladda magaalada Beledxaawo ayaa haatan la sheegay in ay degantahay, inkasta oo dadka deegaanka ay wali ka cabsi qabaan suuragalnimada dagaallo kale oo markale qarxa

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles