Thursday, June 25, 2026

Jubbaland oo la wareegtay Xarunta Beledxaawo kadib Dagaal culus

Maamulka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in ay si buuxda ula wareegeen xarunta degmada Beledxaawo iyo guud ahaan ammaanka magaalada, kadib dagaal culus oo maanta dhacay.

Dagaalka ayaa dhacay kaddib markii uu magaalada ku soo degay Taliyaha Nabadsugidda dowladda Soomaaliya ahna Hogaanka Amniga Gedo, Abdirashiid Janan, oo muddo dheer ka maqnaa gobolka.

Taliyaha ayaa lagu dajiyay xerada ciidamada ee UK, waxaana la socday laba diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca ah (helikobtaro), kuwaas oo sida la sheegay siday ciidamo gaar ah iyo saraakiil amni.

Labada kadib ayaa kadib dagaal culus ku dhexmaray gudaha magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo

Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee Jubbaland iyo guddoomiyaha degmada Beledxaawo ayaa xaqiijiyay in ciidamada Jubbaland ay la wareegeen gacan ku haynta xarunta degmada Beledxaawo.

Xaaladda magaalada Beledxaawo ayaa haatan la sheegay in ay degantahay, inkasta oo dadka deegaanka ay wali ka cabsi qabaan suuragalnimada dagaallo kale oo markale qarxa

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Mareykanka oo shaaciyay inuu ku guuleystay tijaabadda gantaalka casriga ah ee Golden Dome

Maraykanku wuxuu markii ugu horreysay tijaabiyay nidaamka difaaca gantaallada...

Puntland oo Mamnuucday Hubka iyo Ciidamada Aan Ka tirsaneyn Nidaamka Maamulka

Maamulka Puntland ayaa ka digay waxa uu ku tilmaamay...

RW Xamsa oo gaaray Dhuusamareeb

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb...

DFS oo waddo qorshaha doorashooyinka Galmudug iyo Xamse oo ku Wajahan Dhuusamareeb

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay dardar gelinayso...

Bariga Liibiya oo Xayiraad Kusoo Rogay Muwaadiniinta Soomaaliya iyo Saddex Dal oo Kale

Dowladda Bariga Liibiya ayaa ku dhawaaqday inay mamnuucday gelitaanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles