Tuesday, August 11, 2026

DFS oo Axmed Madoobe ku eedeysay dagaalka ka dhacay Beledxaawo

War ka soo baxay dowladda Federalka Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay dagaalka maanta ka dhacay magaalada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo, kaasi oo u dhexeeyay ciidamo kala taabacsan DFS iyo Jubbaland.

Warsaaxafadeedka ayaa u qornaa sidan:-

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay ka xuntahay, si adagna u cambaaraynaysaa fal dambiyeedka uu eedaysane Axmed Maxamed Islaam ka gaystay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo duhurnimadii maanta, halkaas oo maleeshiyaad isaga ka amar qaata ay weerar bareer ah ku qaadeen xarumaha loogu adeego dadweynaha iyo xeryaha ciidamada qaranka.

Falkaan oo qayb ka ah dambiyada joogta ah ee uu ku kacayo Axmed Madoobe ayuu si ku talo gal ah ugu weeraray xarumo ay ka mid yihiin xafiiska Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo xeryo ay dagan yihiin ciidamada amniga.

Tallaabadaan ayaa sidoo kale ahayd mid uu eedaysanuhu kusoo beegay xilli ay dadweynaha magaalada ku mashquulsanaayeen hawl-maalmeedkooda caadiga ah, taas oo muujinaysa mas’uuliyad-darro iyo in aanu wax dan ah ka lahayn badqabka dadweynaha.

Waxaan u tacsiyaynaynaa muwaadiniinta waxyeelladu soo gaartay, waxaana ka go’an dowladda in cadaaladda la marsiiyo cid kasta oo ku lug yeelata gabood-fallada noocaan oo kale ah.

Waxay dowladdu digniin adag u diraysaa maleeshiyaadka uu sida qaldan u isticmaalo eedaysane Axmed Madoobe, waxaana la xusuusinayaa inay ogaadaan in qof kasta oo qayb ka noqda dambiyadaas abaabulan sharciga la marsiin doono.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

RW Xamsa oo hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ee BFS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta loo doortay...

Ciidamada Itoobiya oo ka baxay Buurhakaba

Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika...

Laftagareen oo Nairobi kula kulmay Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland

Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan...

Xildhibaanada Baarlamaanka oo Maanta Dooranaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles