Maxaa ka cusub saaka xaalada Beledxaawo?

Degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa weli wajahaysa xiisad dagaal kadib iska horimaad culus oo shalay halkaasi ku dhexmaray ciidamo kala taabacsan Jubaland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhaq dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda ayaa laga dareemayaa magaalada Beledxaawo, waxaana laga cabsi qabaa in dhinacyada ay isku dhacaan, maadaama gurmad ciidan ay kala heleen.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii diyaarad ciidan lagu keenay Cabdirashiid Janan, oo dowladda Federaalka u magacowday Taliyaha Sirdoonka iyo Nabad-sugidda gobolka Gedo. Jubaland ayaa tallaabadaas ku sheegtay mid halis gelineysa amniga gobolka, islamarkaana sababtay fawdo cusub.

Wararka ayaa sheegaya in magaalada Beledxaawo ay si buuxda gacanta ugu jirto ciidanka Jubaland, halka Cabdirashiid Janan iyo ciidankiisa ay ku sugan yihiin xero ciidan oo ku taalla duleedka magaalada, Waxaa la sheegaya in laga cabsi qabo dagaal kale oo halkaas ka qarxa.

Isgaarsiinta magaalada ayaa hawada ka maqan, iyadoo dadku isticmaalayaan adeegyada isgaarsiinta Safaricom ee Mandheera. Xiisadda ayaa ah salka ku haysa khilaafka siyaasadeed iyo amni ee u dhexeeya Jubaland iyo dowladda Federaalka.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in saakay xaalada ay degan tahay, balse cabsi xooggan ay dareemayaan dadka deegaanka.

Dowladda Soomaaliya iyo Jubbaland ayaa midba midka kale ku eedeynaya in xiisad ay ka abuurayaan magaalada Beledxaawo

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles