Puntland oo ka jawaabtay eeda DFS ee ku aadan inay Afduub ku haystaan Markabka hubka sida

Maamulka Puntland oo xalay war qoraal ka soo baxay ayaa lagu sheegay in ay aad uga xuntahay warqaddii ka soo baxday dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu sheegay in Puntland ay tahay BURCAD BADEED afduubatay Markab.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Ciidamada Ilaalada Xeebaha dowladda Pubtland gacanta kusoo dhigeen markab lagu magacaabo MV SEA WORLD, kaddib markii uu muddo ku warwareegayay xeebta Bareeda ee Gobolka Bari. Waxay tilmaameen in dhalinyaro kalluumeysato ah ay markii hore ku guuleysteen inay markabka dushiisa fuulaan, balse ciidamada ilaalada xeebaha ayaa ugu dambeyn ku guuleystay inay markabka la wareegaan oo ay ka badbaadiyaan in hantida saaran ay gasho gacanta shacabka.

Sidoo kale, Puntland waxay sheegtay in Ganacsato Reer Muqdisho ah iyo Safiirka Turkiga oo la soo xiriiray isla markaana dhinac walba sheegtay shixnadda saaran Madkabka. Dowladda Puntland waxay caddeysay in dhammaan shixnadda saaran markabka MV SEA WORLD ay tahay agab ciidan (military equipment), islamarkaana aysan ku jirin wax u muuqda alaab ganacsi, taas oo beeninaysa Warkii ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya.

WARARKII KALE

Puntland oo Gaalkacyo ka mamnuucday qaadashada hubka

Wareegtada ayaa lagu xusay in sharciga Nabadgelyada Guud ee...

RW Xamsa oo gaaray Jeddah iyo Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa...

Dagaalka Mooyaale oo maalintii afraad galay

Dagaal culus ayaa maalintii afraad oo xiriir ah ka...

 Deni oo maanta hortagaya Baarlamaanka Puntland iyo go’aanno siyaasadeed oo laga sugayo

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta la filayaa...

Donald Trump oo u jawaabay Obama si adagna u weeraray

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si kulul u weeraray...

Garaad Jaamac oo ku baaqay in la garab istaago dadka Moyale

Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa sheegay in taageerada dadka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles