Wednesday, June 24, 2026

Puntland oo ka jawaabtay eeda DFS ee ku aadan inay Afduub ku haystaan Markabka hubka sida

Maamulka Puntland oo xalay war qoraal ka soo baxay ayaa lagu sheegay in ay aad uga xuntahay warqaddii ka soo baxday dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu sheegay in Puntland ay tahay BURCAD BADEED afduubatay Markab.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Ciidamada Ilaalada Xeebaha dowladda Pubtland gacanta kusoo dhigeen markab lagu magacaabo MV SEA WORLD, kaddib markii uu muddo ku warwareegayay xeebta Bareeda ee Gobolka Bari. Waxay tilmaameen in dhalinyaro kalluumeysato ah ay markii hore ku guuleysteen inay markabka dushiisa fuulaan, balse ciidamada ilaalada xeebaha ayaa ugu dambeyn ku guuleystay inay markabka la wareegaan oo ay ka badbaadiyaan in hantida saaran ay gasho gacanta shacabka.

Sidoo kale, Puntland waxay sheegtay in Ganacsato Reer Muqdisho ah iyo Safiirka Turkiga oo la soo xiriiray isla markaana dhinac walba sheegtay shixnadda saaran Madkabka. Dowladda Puntland waxay caddeysay in dhammaan shixnadda saaran markabka MV SEA WORLD ay tahay agab ciidan (military equipment), islamarkaana aysan ku jirin wax u muuqda alaab ganacsi, taas oo beeninaysa Warkii ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Mareykanka oo shaaciyay inuu ku guuleystay tijaabadda gantaalka casriga ah ee Golden Dome

Maraykanku wuxuu markii ugu horreysay tijaabiyay nidaamka difaaca gantaallada...

Puntland oo Mamnuucday Hubka iyo Ciidamada Aan Ka tirsaneyn Nidaamka Maamulka

Maamulka Puntland ayaa ka digay waxa uu ku tilmaamay...

RW Xamsa oo gaaray Dhuusamareeb

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb...

DFS oo waddo qorshaha doorashooyinka Galmudug iyo Xamse oo ku Wajahan Dhuusamareeb

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay dardar gelinayso...

Bariga Liibiya oo Xayiraad Kusoo Rogay Muwaadiniinta Soomaaliya iyo Saddex Dal oo Kale

Dowladda Bariga Liibiya ayaa ku dhawaaqday inay mamnuucday gelitaanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles