Wednesday, June 24, 2026

Xaalad Adag oo ka jirta Marinka Gaza

Ku dhowaad saddexdii qof ee ku nool Marinka Qasa mid ka mid ah ayaa maalmo aan wax cunin, barnaamijka gargaarka cuntada ee Qaramada Midoobay ayaa ka digay.

“Nafaqo-xumada ayaa sii kordheysa iyadoo 90,000 oo haween iyo carruur ah ay u baahan yihiin daweyn degdeg ah,” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP.

Digniinaha ku saabsan gaajada Qasa ayaa sii kordhay toddobaadkan. Sagaal qof oo kale ayaa u dhintay nafaqo darro Jimcihii, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dhulka Falastiin ee ay maamusho Xamaas – taasoo tirada guud ee dhimashada tan iyo markii uu dagaalku billowday ka dhigaysa 122.

Israa’iil oo gacanta ku haysa gelitaanka dhammaan sahayda Qasa, ayaa sheegtay in aanay jirin wax xannibaad ah oo ku aaddan in gargaarku soo galo dhulkaas, waxaanay Xamaas ku eedaysay nafaqo-xumo kasta oo jirta.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles