Hogaamiyihii kooxda daroogada Sinaloa ee Mexico oo lagu xiray Maraykanka

Mid ka mid ah dadka ka ganacsada maandooriyeyaasha adduunka, ee ugu caansan Ismael “El Mayo” Zambada, oo ah hoggaamiyaha kooxda Sinaloa Cartel ee Mexico, ayaa lagu xirey magaalada  El Paso, Texas ee dalka Maraykanka.

Zambada, oo 76 jir ah, waxa uu la aasaasay kooxda Sinaloa Cartel   Joaquin “El Chapo” Guzman, kaas oo hadda ku xiran Maraykanka.

Waxaa lala xiray Zambada khamiisti   wiilka Guzman, Joaquin Guzman Lopez,  sida ay shaacisay waaxda cadaaladda ee Mareykanka.

Bishii Febraayo, Zambada waxaa dacwad oogayaasha Mareykanka ku soo oogay in uu ka dambeeyay sameynta iyo qeybinta fentanyl, oo ah daroogo  ka awood badan heroin-ka.

Sida ay daabacday Jariidada Wall Street Journal  Zambada ayaa lagu khiyaameeyay in uu raaco diyaarad la sheegay inay kormeer ku sameyneyso garoomo qarsoon oo ku yaal dalka Mexico balse laga dejiyay dalka Maraykanka.

Guzman Lopez ayaa isu dhiibay mas’uuliyiinta Mareykanka waxaana la rumeysan yahay inuu ka dambeeyay shirqoolka Zambada sababtoo ah wuxuu Guzman ku eedeeyay qabashada aabihiis oo xukun xabsi daa’in ah ku qaadanaya xabsi ku yaal Maraykanka.

Maamulka Mareykanka ayaa horey u xusay in fentanyl  ay tahay sababta ugu weyn ee dhimashada Mareykanka dadka da’doodu u dhaxeyso 18 ilaa 45.

Maamulka joojinta Maandooriyaha ee Mareykanka (DEA) ayaa ku yaboohay abaalmarin dhan $15m (£12m) soo qabashada Zambada.

Intii lagu guda jiray dacwadda Joaquin “El Chapo” Guzman ee 2019, qareenadiisu waxay ku eedeeyeen Zambada inuu laaluushay dhammaan dawladda Mexico si uu ugu noolaado si furan isaga oo aan ka cabsanayn dacwad.

Marka laga soo tago eedeymaha fentanyl, wuxuu sidoo kale wajahayaa Zambada eedeymo isugu jira ka ganacsi daroogo, dil, afduub, lacag dhaqid iyo dambiyo abaabulan.

WARARKII KALE

MW Xasan Sheekh oo daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta...

Aadan Madoobe oo la shiray Ciidamada Itoobiya

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Guddoomiye Jaamac oo war ka soo saaray halista Kooxaha Burcad badeeda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa bayaan...

Turkiga oo beeniyey in xayiraad fiiso ku soo rogtay muwaadiniinta Soomaaliyeed

Dowladda Turkiga ayaa beenisay warar lagu baahiyey baraha bulshada...

Weriye Boqorka Bartamaha oo lagu dilay Jarmalka

Alle ha u naxariistee waxaa ku geeriyooday ruugcaddaa saxaafadeed...

DF oo ka hadashay xiisada ka taagan Hiiraan

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay xiisadda ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles