Tuesday, July 1, 2025

Hogaamiyihii kooxda daroogada Sinaloa ee Mexico oo lagu xiray Maraykanka

Mid ka mid ah dadka ka ganacsada maandooriyeyaasha adduunka, ee ugu caansan Ismael “El Mayo” Zambada, oo ah hoggaamiyaha kooxda Sinaloa Cartel ee Mexico, ayaa lagu xirey magaalada  El Paso, Texas ee dalka Maraykanka.

Zambada, oo 76 jir ah, waxa uu la aasaasay kooxda Sinaloa Cartel   Joaquin “El Chapo” Guzman, kaas oo hadda ku xiran Maraykanka.

Waxaa lala xiray Zambada khamiisti   wiilka Guzman, Joaquin Guzman Lopez,  sida ay shaacisay waaxda cadaaladda ee Mareykanka.

Bishii Febraayo, Zambada waxaa dacwad oogayaasha Mareykanka ku soo oogay in uu ka dambeeyay sameynta iyo qeybinta fentanyl, oo ah daroogo  ka awood badan heroin-ka.

Sida ay daabacday Jariidada Wall Street Journal  Zambada ayaa lagu khiyaameeyay in uu raaco diyaarad la sheegay inay kormeer ku sameyneyso garoomo qarsoon oo ku yaal dalka Mexico balse laga dejiyay dalka Maraykanka.

Guzman Lopez ayaa isu dhiibay mas’uuliyiinta Mareykanka waxaana la rumeysan yahay inuu ka dambeeyay shirqoolka Zambada sababtoo ah wuxuu Guzman ku eedeeyay qabashada aabihiis oo xukun xabsi daa’in ah ku qaadanaya xabsi ku yaal Maraykanka.

Maamulka Mareykanka ayaa horey u xusay in fentanyl  ay tahay sababta ugu weyn ee dhimashada Mareykanka dadka da’doodu u dhaxeyso 18 ilaa 45.

Maamulka joojinta Maandooriyaha ee Mareykanka (DEA) ayaa ku yaboohay abaalmarin dhan $15m (£12m) soo qabashada Zambada.

Intii lagu guda jiray dacwadda Joaquin “El Chapo” Guzman ee 2019, qareenadiisu waxay ku eedeeyeen Zambada inuu laaluushay dhammaan dawladda Mexico si uu ugu noolaado si furan isaga oo aan ka cabsanayn dacwad.

Marka laga soo tago eedeymaha fentanyl, wuxuu sidoo kale wajahayaa Zambada eedeymo isugu jira ka ganacsi daroogo, dil, afduub, lacag dhaqid iyo dambiyo abaabulan.

WARARKII KALE

Madaxii Miinooyinka Al-shabaab u qaabilsanaa G/Sh/hoose iyo ilaaladiisa oo la dilay

Ciidanka Kumaandooska Danab ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka...

MW hore Farmaajo oo shacabka ugu hambalyeeyay 1-da Luulyo ee maalinta xorriyadda

Madaxweynihii hore ee  Soomaaliya, Mohamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa shacabka...

Falastiiniyiin ku dhintay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay Gaza

Ugu yaraan 20 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 30/06/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW dalka Qatar oo kulan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliland

Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Qatar Sheikh...

Shir lagu heshiisiinayo beelo ku dagaalamay G/Sh/Dhexe oo maanta ka furmay degmada Warsheekh

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Wasiirka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles