Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Amb. Ahmed Moallim Fiqi Ahmed, ayaa Jimcihii magaalada Baku kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Azerbaijan, Mr. Jeyhun Bayramov
Waxaa uu kala hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dal ee walaalaha ah.
Kulanka ayaa ahaa mid salka ku haya sidii loo dhisi lahaa hannaan wadajir ah oo looga gol leeyahay in sare loogu qaado iskaashiga iyo horumarinta danaha wadaagga ah ee labada dal.
Waxaa si qoto-dheer looga wada hadlay arrimo dhowr ah oo heer gobol iyo heer caalami ah oo khuseeya danaha labada dhinac sida lagu sheegay war ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibeda ee Somalia.