Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil iyo Madaxweyne Putin oo ka wada-hadlay arrimaha Iran

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa la hadlay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin. Labada hogaamiye ayaa ka wada hadlay Iran.

Si kastaba ha ahaatee, ma jirto cid wax war ah ka soo saartay qodobadda ay ka wada hadleen labada hoggaamiye ee ku saabsan Iran. Bishii June waxaa uu dagaal adag dhexmaray Israa’iil iyo Iran.

Hogaamiyeyaal badan oo muhiim u ahaa Iran ayaa lagu dilay dagaalkaasi. Dagaalka ka dib, afhayeenka madaxtooyada Ruushka Dmitry Peskov ayaa u sheegay wakaaladda wararka Ruushka ee TASS 19-kii June in faragelinta Maraykanka ee dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Iran ay “u horseedi doonto xiisad kale oo xun.”

Ruushku waxa uu Iran u arkaa xulafo muhiim ah. Sannadkan, madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin wuxuu iskaashi istiraatijiyadeed la saxeexday madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian.

Heshiisku wuxuu dhigayaa in labadooduba ay rabaan inay horumariyaan iskaashiga difaaca.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles