Wednesday, June 24, 2026

DFS oo Laascaanood ugu dhawaaqday Maamulka Waqooyi Bari

Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa xalay noqotay xarunta rasmiga ah ee maamul cusub oo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ku dhawaaqday, looguna magac daray Maamulka Waqooyi Bari Somalia.

Maamulkaan cusub ayaa ka kooban afar gobol oo kala ah Sool, Sanaag, Cayn iyo Togdheer, iyada oo magaalada Laascaanood laga dhigay caasimadda maamulkaas.

Qorshahan ayaa ka dhashay shir weyn oo muddo siddeed maalmood ah ka socday Laascaanood, lagana qaybgeliyay 417 ergo oo ka kala yimid gobollada Sool, Sanaag iyo Magaalada Buuhoodle, Waxaa lagu ansixiyey Dastuurka KMG ah, magaca maamulka cusub, iyo caasimaddiisa.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Warsaxaafadeed ka soo saartay shirka ayaa sheegtay in tallaabadan ay dhammaystir u tahay wejigii koowaad ee dhismaha maamulka.

Waxaa la shaaciyay in baarlamaanka cusub ee maamulka Waqooyi Bari uu ka koobnaan doono 83 xildhibaan, kuwaasoo lagu soo xuli doono doorasho dadweyne.

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa isna bogaadiyey go’aannada ka soo baxay shirweynaha dastuuriga ah, wuxuuna ku tilmaamay dhismaha maamulka cusub mid ku saleysan hiigsigii muddada dheer bulshada deegaannadu u soo halgamayeen in ay ka mid noqdaan dawladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hoggaamiyuhu wuxuu sidoo kale xusay guulaha la gaaray muddadii uu maamulka KMG ah ee Khaatumo hoggaaminayey, gaar ahaan dagaalkii lagu sifeeyay cadawga iyo ka saaristii ciidamada Somaliland ee magaalada Laascaanood.

Tallaabadan ayaa dhabar jab culus ku ah maamulada Puntland iyo Somaliland, iyadoo maamulkaan cusub uu ku fadhiyo gobollo ay hore u sheegan jireen labadaas maamul.

Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda ku ammaanay dadaalka, wada-tashiga iyo nabadeynta ay hormuudka ka yihiin SSC-Khaatumo iyo Maakhir, waxaana lagu wargeliyay in tallaabooyinka xiga ay noqon doonaan xulista baarlamaanka, doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Maamulka Waqooyi Bari ayaa hadda si rasmi ah u bilaabaya wejigiisa cusub ee dowlad-dhisidda, iyadoona dhawaan la guda gali doono wejiga labaad ee dhameystirka maamulkaasi.

WARARKII KALE

Puntland oo Mamnuucday Hubka iyo Ciidamada Aan Ka tirsaneyn Nidaamka Maamulka

Maamulka Puntland ayaa ka digay waxa uu ku tilmaamay...

RW Xamsa oo gaaray Dhuusamareeb

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb...

DFS oo waddo qorshaha doorashooyinka Galmudug iyo Xamse oo ku Wajahan Dhuusamareeb

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay dardar gelinayso...

Bariga Liibiya oo Xayiraad Kusoo Rogay Muwaadiniinta Soomaaliya iyo Saddex Dal oo Kale

Dowladda Bariga Liibiya ayaa ku dhawaaqday inay mamnuucday gelitaanka...

Ahlu Sunna Waljamaaca oo laga saaray Liiska Kooxaha lagu eedeeyo Askaraynta Carruurta

Qaramada Midoobay ayaa si rasmi ah ururkii Ahlu Sunna...

Kim Jong Un, ayaa sheegay in dalkiisu uu ciidanka badda ku qalabaynayo hubka niyukliyarka

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un, ayaa sheegay in...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles