Xaalad Deganaaasho oo saaka ka jirta Beledxaawo iyo Ciidanka DF oo sugaya amniga Degmada

Magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa saaka ku waabariisatay xaalad ka duwan tii maalmaha lasoo dhaafay, kaddib dagaallo qaraar oo muddo dhowr maalmood ah ka socday halkaasi, kuwaas oo u dhexeeyay ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo kuwa Jubbaland.

Deganaanshaha cusub ayaa yimid kaddib qorshe waan-waan ah oo lala galay ciidamadii taabacsanaa Jubbaland, taasoo horseedday in lagu guuleysto joojinta dagaalka.

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa hadda si buuxda ula wareegay gacan ku haynta magaalada Beledxaawo, oo muhiim u ah isku xirka xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Waxaa gacanta DFS galay xarumo istiraatiiji ah oo ay ka mid yihiin xarunta degmada, saldhigga booliiska, iyo xarunta socdaalka (Immigration), iyadoo la sheegay in ciidamadaas uu hoggaaminayo Abdirashid Janan, taliyaha howlgalka Gobolka Gedo ee NISA.

Dhinaca kale, ciidamadii Jubbaland ayaa lagu soo waramayaa in ay u ruqaansadeen dhanka xadka Kenya, iyagoo aan wax iska caabin ah sameynin markii dambe. Waxaa la tilmaamayaa in saaka magaalada Beledxaawo ay ku sugan tahay xaalad dagan, iyadoo ciidamada DFS ay si buuxda u maamulayaan amniga.

Isgaarsiinta magaalada ayaa dib hawada ugu soo laabatay, waxaana bilaabatay in ganacsigii iyo noloshii caadiga ahayd si tartiib ah usoo laabtaan, iyadoo dadka reer Beledxaawo ay u muuqdaan kuwo ka nafisaya xiisaddii colaadeed ee maalmihii lasoo dhaafay.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles