Monday, August 10, 2026

Xaalad Deganaaasho oo saaka ka jirta Beledxaawo iyo Ciidanka DF oo sugaya amniga Degmada

Magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa saaka ku waabariisatay xaalad ka duwan tii maalmaha lasoo dhaafay, kaddib dagaallo qaraar oo muddo dhowr maalmood ah ka socday halkaasi, kuwaas oo u dhexeeyay ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo kuwa Jubbaland.

Deganaanshaha cusub ayaa yimid kaddib qorshe waan-waan ah oo lala galay ciidamadii taabacsanaa Jubbaland, taasoo horseedday in lagu guuleysto joojinta dagaalka.

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa hadda si buuxda ula wareegay gacan ku haynta magaalada Beledxaawo, oo muhiim u ah isku xirka xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Waxaa gacanta DFS galay xarumo istiraatiiji ah oo ay ka mid yihiin xarunta degmada, saldhigga booliiska, iyo xarunta socdaalka (Immigration), iyadoo la sheegay in ciidamadaas uu hoggaaminayo Abdirashid Janan, taliyaha howlgalka Gobolka Gedo ee NISA.

Dhinaca kale, ciidamadii Jubbaland ayaa lagu soo waramayaa in ay u ruqaansadeen dhanka xadka Kenya, iyagoo aan wax iska caabin ah sameynin markii dambe. Waxaa la tilmaamayaa in saaka magaalada Beledxaawo ay ku sugan tahay xaalad dagan, iyadoo ciidamada DFS ay si buuxda u maamulayaan amniga.

Isgaarsiinta magaalada ayaa dib hawada ugu soo laabatay, waxaana bilaabatay in ganacsigii iyo noloshii caadiga ahayd si tartiib ah usoo laabtaan, iyadoo dadka reer Beledxaawo ay u muuqdaan kuwo ka nafisaya xiisaddii colaadeed ee maalmihii lasoo dhaafay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 08 2026.

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Israa’iil oo diidday qorshaha Trump ee 15-ka qodob ka kooban ee Gaza, sida uu sheegay Netanyahu

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa diiday qorshaha 15-ka...

Bogga hoggaamiyaha Iran oo lagu sheegay in ay kulmeen Mojtaba Khamenei iyo Masoud Pezhakian

Bogga internetka ee Hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ayaa sheegay...

Wasiir Fiqi oo la kulmay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan...

Pakistaan oo War ka soo saartay halka ay marayo sii deynta shaqaale lagu haysto Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan ayaa sheegtay in ay socdaan...

Cumaan oo sheegtay in wadahadallada ku saabsan Hormuz ay meel fiican marayaan

Cumaan ayaa sheegtay in wadahadallo wanaagsan ay la yeelanayeen...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles