Saturday, August 8, 2026

Wasiir Fiqi ” Maamulka Waqooyi Barri wuxuu yareeyay rajadii gooni-goosadka”

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa si rasmi ah ugu hambalyeeyay dhismaha Maamulka Cusub ee Waqooyi-Bari Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay maamul ku yimid rabitaanka shacabka, loona maray marxalado adag oo siyaasadeed iyo mid bulsho.

Wasiirka ayaa sheegay in maamulka cusub uu yahay mid macno iyo maamuus u leh midnimada dalka Soomaaliya, islamarkaana uu tusaale wanaagsan u yahay dadaalka shacabka Soomaaliyeed ay ugu jiraan dhismaha dowladnimo iyo ilaalinta midnimada qaranka.

“Ma aha maamul gacmo iyo garab shisheeye ku yimid, mana aha mid qeyb ka ahaa qorsheyaal shisheeye. Waa maamul muujiyay biseyl siyaasadeed iyo karti dadweyne. Wuxuu bilay midnimada dalka, wuxuuna yareeyay rajadii gooni-goosadka,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka ayaa sidoo kale rajo wanaagsan u rajeeyay shacabka ku dhaqan deegaannada maamulka cusub ee Waqooyi-Bari, isagoo ku duceeyay in maamulkaasi u horseedo nabad, iyo horumar waara..

Hadalka Wasiirka Gaashaandhigga ayaa imaanaya xilli dowladda federaalku si rasmi ah ugu dhawaaqday dhismaha Maamulka Waqooyi-Bari oo xaruntiisu tahay magaalada Laascaanood, kadib shir qaran oo ay ka qeybgaleen ergooyin ka kala socday gobollada Sool, Sanaag, Cayn iyo Togdheer.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamad Maraykankan ah oo amartay in la joojiyo dhisme maamulka Trump ka dhisayey Aqalka Cad

Maxkamad federaal oo racfaan oo ku taalla Maraykanka ayaa...

Soomaaliya oo soo dhawaysay heshiiska ay kala saxiixdeen Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay heshiiska difaac...

Xiriirka kubada cagta Norway oo soo saaray baaq ku socda madaxweynaha FIFA

Kubadda cagta caalamka ayaa sii kala qaybsamaysa, iyadoo ay...

Saddex dal oo muslim ah oo gaaray heshiis difaac oo weyn

Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan ayaa kala saxiixday heshiis...

Arday 14 sano jir ah oo toogasho ku laayay dad ay kamid yihiin ayeeydiis iyo awoowgiis

Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha ee Thailand, Polapee Suwanchawee, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles