DFS oo qeylo dhaan ka muujisay xaalada bini’aadanimo ee ka taagan gobolada Awdal, Hiiraan iyo Gedo

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa maanta soo saartay warbixin dhameystiran oo muujineysa xaalad bini’aadanimo oo aad u daran oo ka jirta qaybo badan oo dalka kamid ah, gaar ahaan gobollada Awdal, Hiiraan iyo Gedo.

Warbixinta ayaa muujinaysa in abaarta, dagaallada iyo barakaca ay sababeen xaalad halis ah oo u baahan gurmad degdeg ah.

Gobolka Awdal ayaa waxaa saameeyay abaar ba’an oo sababtay In ka badan 600,000 qof in saameyn ku timaado, Qiyaastii 264,000 oo qof ayaa si degdeg ah ugu baahan gargaar bini’aadanimo, Magaalooyinka sida daran u saameeyay waxaa kamid ah Borama, Baki, Lughaye, iyo Zeylac, iyadoo la xusay in 98% dadka Borama ay si toos ah u saameeyeen.

SoDMA ayaa sheegtay in dadkaasi ay si degdeg ah ugu baahan yihiin biyo nadiif ah, raashin, daryeel caafimaad iyo adeegyo kale oo aas-aasi ah.

Sidoo kale SoDMA ayaa waxaa ay sheegtay in Weeraradii ka dhacay degmada Maxaas dabayaaqadii Luuliyo 2025 ay sababeen in 23,000 oo qof in ay barakacaan, In ka badan 62,000 qof ayaa kasoo cararay Moqokori, Buulo Burte iyo Jalalaqsi.

Sidoo kale Warbixinta ayaa lagu sheegay in 7 xarumood oo caafimaad ayaa xirmeen, iyadoo dhibaato weyn ay kasoo gaartay kaabayaasha dhaqaalaha, waxaa ayna sheegtay in Dadka barakacay ay wajahayaan xaalad nololeed oo aad u adag, iyadoo baahi weyn loo qabo hoy, cunto, biyo iyo daryeel caafimaad.

SoDMA ayaa warbixinteeda waxaa intaasi lagu daray in dagaalladii ka dhacay Beled-Xaawo ay ku barakaceen in ka badan 38,000 qof,  28,000 ka mid ah waxay ku barakaceen gudaha Soomaaliya halka 10,000 ay u gudbeen dalka Kenya, halka In ka badan 24,000 qof ayaa halis ugu jira macluul iyo xaalad naf-gooyo ah.

SoDMA waxay ugu baaqday dowladda Federaalka, dawladaha xubnaha ka ah, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah in si degdeg ah loo bilaabo dadaallo wadajir ah oo wax looga qabanayo xaaladahan sii xumaanaya.

“Waa lama huraan in si wadajir ah loo wajaho xaaladda bini’aadanimo ee taagan, si loo badbaadiyo nolosha shacabka Soomaaliyeed ee nugul,” ayaa lagu yiri baaqa.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles