Wednesday, June 24, 2026

Ruushka iyo Ukraine oo isku fara saaray meel u dhow Badda Madow

Gantaalka Ruushka ayaa burburiyay guryo iyo dhismayaal rayid ay degganaayeen oo ku yaalla magaalada koonfurta Ukraine ku taalla ee Mykolaiv, sida ay sheegeen saraakiisha maxalliga ah.

Ugu yaraan saddex qof oo rayid ah ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhaawacmeen magaalada u dhow Badda Madow, oo marar badan ay duqeeyeen ciidamada Ruushka.

Waaxda Gurmadka Degdegga ah ee Ukraine ayaa soo bandhigtay sawirrada dab-damiskii goobta ku sugnaa kaddib markii uu gantaalku dhacay. Gelinkii hore ee Axadda dab weyn oo kayd shidaal ka billowday ayaa ka kacay meel u dhow goobta loo tamashlaha tago ee Badda Madow ee Ruushka ee Sochi – oo ay mas’uuliyiinta Ruushku ku eedeeyeen weerar ay qaadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine.

Gegida diyaaradaha ee Sochi ee isla aagga – degmada Adler – duulimaadyadii ayaa la joojiyay.

Barasaabka gobolka Krasnodar Veniamin Kondratyev ayaa ku sheegay barta Telegram in haraaga diyaarada ay ku dhaceen haan shidaal, 127 dabdamis ayaana la tacaalayay dabka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles