Wednesday, June 24, 2026

Banaanbax looga soo horjeedo Itoobiya iyo Axmed Madoobe oo ka socda Beledxaawo

Shacabka degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa maanta dhigay bannaanbax ballaaran oo ay uga soo horjeedaan amar dhowaan kasoo baxay ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolkaas. Amar-kan ayaa ahaa mid lagu farayo in ciidamada dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Cabdirashiid Janan ay isaga baxaan degmada Baladxaawo.

Bannaanbaxayaasha oo isugu jiray dadweyne kala duwan, ayaa ku dhawaaqayay ereyo ay ku muujinayaan taageeradooda ciidamada dowladda, iyagoo sidoo kale cambaareeyay faragelinta ciidamada Itoobiya.

Waxay sheegeen in aysan aqbali doonin in ciidamo shisheeye ay farageliyaan arrimaha gudaha ee degmada Baladxaawo, gaar ahaan marka ay khuseyso amniga iyo joogitaanka ciidamada qaranka.

Dad badan ayaa u arka amarka Itoobiya mid wiiqaya madax-bannaanida Soomaaliya, gaar ahaan xilligan dalka uu wajahayo xaalado amni iyo siyaasadeed oo adag.

Ciidamada Itoobiya ayaa ku wajahan Magaalada Beledxaawo.

Waxaa la filayaa in madaxda dowladda Soomaaliya ay ka hadlaan arrintan, iyadoo ay sii xoogeysanayaan dareen-celinta shacabka iyo walaaca laga qabo doorka ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles