Wasiirka Maaliyadda XFS oo Dekeda Muqdisho ku soo dhoweeyey wafdi ka socda dowladda Ingiriiska

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ay Wehlinayaan Agaasimaha Guud ee Dakhliga, Maamulaha Dekadda Muqdisho, Agaasimaha Furdooyinka ayaa maanta xarunta Dekedda ku soo dhaweeyay Safiirka Dowladda UK ee Soomaaliya Mr. Charles King iyo koox kale oo ka socotay Xafiiska Horumarinta Dowladda UK.

Kormeerka Safiirka UK ee Soomaaliya ayaa salka ku haya u kuurgalidda hannaanka casriyeynta dakhliga gudaha oo Dowladda UK ay gan ka geysatay dhisidda habka wadashaqeynta Dowladda iyo Cashuur-bixiyaha ee loo yaqaano (𝐒𝐢𝐬𝐭𝐚𝐦𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐬𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐅𝐮𝐫𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚, 𝐒𝐎𝐌𝐂𝐀𝐒) oo ah hannaan online ah oo ay ku wada shaqeynayaan maamulka qeybta Maaliyadda ee dekadda iyo Ganacsatada Soomaaliyeed.

Safiirka u jooga Soomaaliya Dowladda UK Mr. Charles King oo kormeerka kadib hadalkooban jeediyay ayaa tilmaamay in Dowladda UK ay sii wadidoonto wadashaqeynta ay la leedahay Dowladda Soomaaliya iyo ka qeyb qaadasha qorshayaasha horumarineed hannaanka sare u qaadidda dakhliga gudaha.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa uga mahadceliyay Dowladda UK taageeradeeda joogta ah ee ay siiso Dowladda Soomaaliya, waxa uu intaa ku daray hannaanka casriyaynta ilaha dakhliga in uu mudnaan gaar ah u lee yahay Wasaaradda Maaliyadda, si sare loogu qaado dakhli uruurinta dalka.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles