Friday, November 7, 2025

Banaanbax looga soo horjeedo Itoobiya iyo Axmed Madoobe oo ka socda Beledxaawo

Shacabka degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa maanta dhigay bannaanbax ballaaran oo ay uga soo horjeedaan amar dhowaan kasoo baxay ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolkaas. Amar-kan ayaa ahaa mid lagu farayo in ciidamada dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Cabdirashiid Janan ay isaga baxaan degmada Baladxaawo.

Bannaanbaxayaasha oo isugu jiray dadweyne kala duwan, ayaa ku dhawaaqayay ereyo ay ku muujinayaan taageeradooda ciidamada dowladda, iyagoo sidoo kale cambaareeyay faragelinta ciidamada Itoobiya.

Waxay sheegeen in aysan aqbali doonin in ciidamo shisheeye ay farageliyaan arrimaha gudaha ee degmada Baladxaawo, gaar ahaan marka ay khuseyso amniga iyo joogitaanka ciidamada qaranka.

Dad badan ayaa u arka amarka Itoobiya mid wiiqaya madax-bannaanida Soomaaliya, gaar ahaan xilligan dalka uu wajahayo xaalado amni iyo siyaasadeed oo adag.

Ciidamada Itoobiya ayaa ku wajahan Magaalada Beledxaawo.

Waxaa la filayaa in madaxda dowladda Soomaaliya ay ka hadlaan arrintan, iyadoo ay sii xoogeysanayaan dareen-celinta shacabka iyo walaaca laga qabo doorka ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 06 11 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kooxda Degmada howlwadaaag oo ku guuleysatay tartanka degmooyinka gobolka banaadir

Waxaa goordhow soo gaba-gaboobay ciyaartii kama dambaysta ahayd ee...

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Howlgal lagu dilay Horjoogihii Al-shabaab u qaabilsanaa Maaliyada degmada Daynuunaay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 47aad Guutada...

Kooxda TPLF oo weerar culus ku qaaday gobolka Canfarta

Koox ka tirsan ciidamada TPLF ayaa gudaha u galay...

Madaxweynaha Eriteriya: “Soomaaliya waa in ay ilaashato xeebaheeda”

Madaxweynaha Eriteriya, Isaayaas Afwerq oo waraysi siiyay warbaahinta Qaahira...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles