Wasiirka Beeraha XFS oo deeq isugu jirta Gadiid iyo qalab guddoon siiyey qaar ka mid ah Beeralayda dalka

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xil.Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa fuliyey ballanqaadkii uu horey uga qaaday taageeridda beeralaydda Soomaaliyeed oo ay kujiraan dhalinyaradda ku hawlan ka faa’iidaysiga teknoolajiyadda casriga ah ee Greenhouse-yada.

Wasiirka oo kaashanaayo Hay’adda Qadar Charity, ayaa gudoonsiiye beeralayda 40 mooto oo ah kuwa xamuulka ah ee khudaarta lagu qaado, iyo 40 makiinad oo ah nooca lagu finjilo galleyda iyo badarka kale.

Munaasabadda wareejinta agabkan ayuu Wasiir Maareeye si gaar ah ugu dhiirigeliyay beeralaydda Soomaaliyeed in ay isku tashadaan, kaalintoodana ka qaataan kor u qaadista wax soosaarka, dhaqaalaha dalka iyo la dagaalanka saboolnimada, waxa uuna xusay in Soomaaliya ay u baahan tahay dhalinyaro firfircoon oo la jaanqaadi kara isbeddellada dunida.

WARARKII KALE

Xuutiyiinta oo sheegay in ay soo rideen diyaarad ay ku leedahay Sacuudiga

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad aan...

Taliyaha ciidanka Badda oo Talyaaniga uga qaybgalay shir caalami ah

Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya, Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, ayaa...

Dad ku dhintay weerarada Sacuudiga

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa Arbacadii sheegay in saddex qof ay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Doolow“Aniga kama qayb qaadanayo xasaradda Gedo”

Guddoomiyaha degmada Doolow lafey ayaa sheegay inuusan ka qayb...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles