Wednesday, April 29, 2026

Ciidanka Puntland oo qabtay sahay Daacish u waday

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa gacanta ku dhigay gaari siday sahay iyo darawalkiisii, xilli uu ku sii jeeday deegaanka Al-Miskat ee gobolka Bari, iyadoo laga qabtay agagaarka tuulada Turmasale.

Gaarigan oo ah nooca loo yaqaan BROBOX ayaa lagu qabtay hawlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidamada difaaca Puntland ee qeybta Ururka Gantaal, kuwaasoo kaashanaya ciidanka Booliska degmada Qandala. Waxaa la sheegay in gaariga lagu qabtay degaanka Unuun, kadib markii looga shakiyay in sahayda uu sidaa ay ku wajahneyd dhul ay weli ku dhuumaaleysanayaan firxadka kooxda Daacish, halkaas oo ay ka socdaan hawlgallo culus oo lagu sifeynayo.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay hawlgalka Calmiskaad, gaariga ayaa siday:

• Raashin

• Solar panels

• Agab isgaarsiin

Waxyaabahan ayaa la rumeysan yahay in loo waday xarumo ay ku dhuumaaleysanayaan xubno ka tirsanaa kooxda Daacish, kuwaasoo ka firxaday weerarradii hore ee ciidamada ammaanka Puntland ay ka fuliyeen buuraleyda Al-Miskat iyo degaannada ku dhow.

Hawlgalka Calmiskaad ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay:

“Ciidanku waxay Turmasaale keeneen gaari iyo ninkii watay, iyadoo lagu soo qabtay isagoo raashin, solar iyo agab isgaarsiin u wada dhulka laga sifeynayo firxadka argagixisada Daacish.”

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo sheegtay in horjooge sare iyo xubno kale lagu dilay G/Sh/Hoose

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaal iyo duqeymo ka...

Janan oo abaabul ciidan ka wada Beledxaawo

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Jubaland,...

Wafdi ka socda Q.M oo gaaray Baydhabo

Hogaamiyaha ku-meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed...

Mucaaradka iyo Xubnaha Beesha Caalamka oo ka sharaya arrimaha doorashooyinka

Kulanka muhiimka ah ee u dhexeeya Golaha Mustaqbalka Soomaaliya...

Pakistan oo cadaadis diblumaasiyadeed saaraysa sii deynta badmaaxayaal lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya

Dowladda Pakistan ayaa xoojisay dadaallada diblumaasiyadeed iyo kuwa badeed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles