Tuesday, August 11, 2026

Ciidanka huwanta oo dagaal kula wareegay Deegaanka Bariire

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa AUSSOM, ayaa dagaal kula wareegay gacanta ku haynta deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellada Hoose, kadib dagaallo culus oo socday in ka badan 10 maalmood.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka ayaa xaqiijiyay in ciidamada huwanta ah ay si buuxda gudaha u galeen Bariire, isla markaana hadda wadaan miino baaris si loo xaqiijiyo iyo  in deegaanka laga sifeeyo waxyaabaha qarxa ee ay kaga tageen Al-Shabaab.

Wararka laga helayo ilo-wareedyo amni ayaa sheegaya in khasaare xooggan lagu gaarsiiyay dagaalyahanadii Al-Shabaab, iyadoo qaar badan oo ka mid ah ay dhinteen ama ay firxadeen, halka hub iyo agab kale oo milatari gacanta lagu dhigay.

Dagaalka Bariire wuxuu socday muddo 10 maalmood ah, wuxuuna ka mid ahaa kuwa ugu culus ee gobolka laga soo wariyo bilihii ugu dambeeyay.

Ciidamada huwanta ah ayaa xiligan Baaritaano xoog leh ka wadaan gudaha deegaanka, iyagoo ugu dambeyn maanta si buuxda ula wareegay gacan ku haynta.

Ali Ahmed Xaashi Taliyaha Guutada 17 ee Ciidamada Gorgor “Dadkeygow Bariire wa nabad, baqtiga cadawga wan idinla wadaagi doonaa bandhig fagaaro ah insha allaah.” Ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

RW Xamsa oo hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ee BFS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta loo doortay...

Ciidamada Itoobiya oo ka baxay Buurhakaba

Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika...

Laftagareen oo Nairobi kula kulmay Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland

Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan...

Xildhibaanada Baarlamaanka oo Maanta Dooranaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles