Ciidanka huwanta oo dagaal kula wareegay Deegaanka Bariire

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa AUSSOM, ayaa dagaal kula wareegay gacanta ku haynta deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellada Hoose, kadib dagaallo culus oo socday in ka badan 10 maalmood.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka ayaa xaqiijiyay in ciidamada huwanta ah ay si buuxda gudaha u galeen Bariire, isla markaana hadda wadaan miino baaris si loo xaqiijiyo iyo  in deegaanka laga sifeeyo waxyaabaha qarxa ee ay kaga tageen Al-Shabaab.

Wararka laga helayo ilo-wareedyo amni ayaa sheegaya in khasaare xooggan lagu gaarsiiyay dagaalyahanadii Al-Shabaab, iyadoo qaar badan oo ka mid ah ay dhinteen ama ay firxadeen, halka hub iyo agab kale oo milatari gacanta lagu dhigay.

Dagaalka Bariire wuxuu socday muddo 10 maalmood ah, wuxuuna ka mid ahaa kuwa ugu culus ee gobolka laga soo wariyo bilihii ugu dambeeyay.

Ciidamada huwanta ah ayaa xiligan Baaritaano xoog leh ka wadaan gudaha deegaanka, iyagoo ugu dambeyn maanta si buuxda ula wareegay gacan ku haynta.

Ali Ahmed Xaashi Taliyaha Guutada 17 ee Ciidamada Gorgor “Dadkeygow Bariire wa nabad, baqtiga cadawga wan idinla wadaagi doonaa bandhig fagaaro ah insha allaah.” Ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles