Ciidanka Puntland oo qabtay sahay Daacish u waday

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa gacanta ku dhigay gaari siday sahay iyo darawalkiisii, xilli uu ku sii jeeday deegaanka Al-Miskat ee gobolka Bari, iyadoo laga qabtay agagaarka tuulada Turmasale.

Gaarigan oo ah nooca loo yaqaan BROBOX ayaa lagu qabtay hawlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidamada difaaca Puntland ee qeybta Ururka Gantaal, kuwaasoo kaashanaya ciidanka Booliska degmada Qandala. Waxaa la sheegay in gaariga lagu qabtay degaanka Unuun, kadib markii looga shakiyay in sahayda uu sidaa ay ku wajahneyd dhul ay weli ku dhuumaaleysanayaan firxadka kooxda Daacish, halkaas oo ay ka socdaan hawlgallo culus oo lagu sifeynayo.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay hawlgalka Calmiskaad, gaariga ayaa siday:

• Raashin

• Solar panels

• Agab isgaarsiin

Waxyaabahan ayaa la rumeysan yahay in loo waday xarumo ay ku dhuumaaleysanayaan xubno ka tirsanaa kooxda Daacish, kuwaasoo ka firxaday weerarradii hore ee ciidamada ammaanka Puntland ay ka fuliyeen buuraleyda Al-Miskat iyo degaannada ku dhow.

Hawlgalka Calmiskaad ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay:

“Ciidanku waxay Turmasaale keeneen gaari iyo ninkii watay, iyadoo lagu soo qabtay isagoo raashin, solar iyo agab isgaarsiin u wada dhulka laga sifeynayo firxadka argagixisada Daacish.”

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles