Friday, March 14, 2025

Dowladda isku-tagga Imaaraadka Carabta oo Muqdisho ka furtay xarunta bixinta dal ku galka (Visa)

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa magaalada Muqdisho ka furtay xarun cusub oo loogu tala galay in loogu adeego bulshada Soomaaliyeed ee dooneysa in ay helaan fiisaha ama dal ku galka dalka Imaaraadka Carabta.

Danjiraha dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta u jooga Soomaaliya Axmed Jumca Rumeythi ayaa maanta furay xarunta bixinta dal ku galka, taas wixii maanta ka dambeeya muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ka qaadan doonaan fiisaha.

Waxa uu sheegay danjiraha dowladda Imaaraadka in furitaanka xaruntan ay kamid ka tahay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, waxa uuna sheegay in xaruntan loogu tala galay fududeynta helitaanka fiisaha ee u baahan yihiin dadka Soomaaliyeed.

Xaruntan Imaaraadka Carabta ka furay magaalada Muqdisho oo u shaqeyn doonta sida qunsuliyad, ayaa noqoneysa tii ugu horreysay ee dowladda Imaaraadka Carabta ka furtaan magaalada Muqdisho 34 sanno kaddib

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 14/03/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Soomaaliya iyo Suudaan oo iska diiday qorsho uu waday Mareykanka

Sida ay shaacisay wakaalad wararka AP Mareykanka iyo Israa’iil...

Itoobiya iyo Ruushka oo ku heshiiyay in ay ka wada shaqeeyaan dhinaca ciidamada badda

Wafdi uu hoggaaminayo taliye ku xigeenka ciidamada badda Ruushka...

Weerar lagu qaaday Askar ka tirsan Kenya

Kooxa hubeysan ayaa Xaduudka magaaloyinka Baladxaawo iyo Mandhera ku...

Qoor qoor oo ku baaqay in loo midoobo dagaalka Al-shabaab

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor...

MW Xasan Sheekh oo soo xiray Tartanka Quraanka Kariimka ah ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Tartanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles