DFS oo xaqiijisay in gacanta lagu dhigay Bariire

War ka soo baxay wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada Xoogga iyo kuwa Uganda ay dagaal kula wareegeen deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellada Hoose.

“Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamada Difaaca Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa galabta si buuxda gacanta ugu dhigay magaalada istiraatiijiga ah ee Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib dagaal socday muddo toddobaad ah.”Ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale warka ayaa lagu sheegay in inta uu socday howlgalka lagu dilay in ka badan 100 xubnood oo ka tirsanaa Maleeshiyaadka Al-shabaab, islamarkaana gacanta lagu dhigay maxaabiis nool oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab.

“Inta lagu guda jiray howlgalka, in ka badan 100 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa la dilay, waxaana gacanta lagu dhigay maxaabiis nool oo ka tirsan kooxda. Ciidamada ayaa haatan ka wada magaalada iyo deegaannada ku xeeran hawlgallo nadiifin ah, iyagoo gacanta kusoo dhigay hub iyo saanad ciidan oo fara badan.”ayaa markale lagu yiri warka.

Qoraalka ayaa lagu soo gaba gabeeyay “Wasaaradda Gaashaandhigga waxay bogaadinaysaa geesinnimada CXD, AUSSOM iyo taageerada Saaxiibada Caalamka, waxayna dib kala wadaagi doontaa faahfaahin dheeraad ah marka lasoo gabagabeeyo aruurinta xogta.”

WARARKII KALE

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles