DFS oo xaqiijisay in gacanta lagu dhigay Bariire

War ka soo baxay wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada Xoogga iyo kuwa Uganda ay dagaal kula wareegeen deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellada Hoose.

“Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamada Difaaca Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa galabta si buuxda gacanta ugu dhigay magaalada istiraatiijiga ah ee Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib dagaal socday muddo toddobaad ah.”Ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale warka ayaa lagu sheegay in inta uu socday howlgalka lagu dilay in ka badan 100 xubnood oo ka tirsanaa Maleeshiyaadka Al-shabaab, islamarkaana gacanta lagu dhigay maxaabiis nool oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab.

“Inta lagu guda jiray howlgalka, in ka badan 100 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa la dilay, waxaana gacanta lagu dhigay maxaabiis nool oo ka tirsan kooxda. Ciidamada ayaa haatan ka wada magaalada iyo deegaannada ku xeeran hawlgallo nadiifin ah, iyagoo gacanta kusoo dhigay hub iyo saanad ciidan oo fara badan.”ayaa markale lagu yiri warka.

Qoraalka ayaa lagu soo gaba gabeeyay “Wasaaradda Gaashaandhigga waxay bogaadinaysaa geesinnimada CXD, AUSSOM iyo taageerada Saaxiibada Caalamka, waxayna dib kala wadaagi doontaa faahfaahin dheeraad ah marka lasoo gabagabeeyo aruurinta xogta.”

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles