Midowga Afrika oo war ka soo saartay qabashada Bariire iyo xubnaha laga dilay Al-shabaab

Warsaxaadadeed ka soo baxay Midowga Afrika ayaa waxaa looga hadlay howlgalkii lagu qabtay deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellada Hoose oo Muddo todobaad uu ka socday dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada huwanta iyo Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Hawlgalka oo socday dhowr maalmood ayaa ku wajahnaa weerar dhulka ah oo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana lagu sheegay qoraalka in lagu dilay in ka badan 100 xubnood oo ka tirsan kooxda, iyadoo tiro kale dhaawacyo culus soo gaareen.

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, ayaa ammaanay geesinimada ciidamada labada dhinac, isagoo sheegay in guushan ay tahay “marxalad cusub oo muhiim ah” oo lagu xaqiijinayo amniga gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha AUSSOM, Lt. Gen. Sam Kavuma, ayaa ku tilmaamay hawlgalka Bariire “isbedel muhiim ah” oo gundhig u noqonaya xasilloonida mustaqbalka, halka Taliyaha ciidamada Uganda ee AUSSOM, Brig. Gen. Joseph Musoke Ssemwanga, uu sheegay in qabsashada Bariire ay tahay dhirbaaxo culus oo loo geystay Al-Shabaab.

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu soo qabtay hub fara badan oo ay hore u isticmaali jireen Al-Shabaab si ay u weeraraan dadka rayidka ah iyo xarumaha muhiimka ah ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ka hor inta aan la qabsan, Bariire waxay ahayd xarun istiraatiiji ah oo ay Al-Shabaab ka abaabuli jireen weerarrada ka dhanka ah gobolka iyo caasimadda Muqdisho.

Ciidamada AUSSOM iyo kuwa dowladda ayaa hadda sugaya ammaanka degmada Bariire, iyagoo baaritaanno ka wada deegaannada ku xeeran si loo tirtiro unugyada haray ee Al-Shabaab.

WARARKII KALE

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles