Zelenesky oo ka falceliyay kulanka Trump iyo Putin

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa hoosta ka xarriiqay in uusan wax heshiis dhul ah u sameyn doonin Ruushka ka hor kulanka la qorsheeyay ee u dhaxeeya Donald Trump iyo Vladimir Putin ee ku saabsan mustaqbalka dagaalka Ukraine.

Kulanka Mareykanka iyo Ruushka ayaa lagu wadaa inuu ka dhaco Alaska 15ka Agoosto. Saacado ka hor inta aan lagu dhawaaqin kulanka, Trump waxa uu ka dhawaajiyay in laga yaabo in Ukraine ay ku qasban tahay inay bixiso dhul si loo soo afjaro dagaalka, kaasoo ka billowday duullaanka ballaaran ee Ruushka ku qaaday Febraayo 2022.

Zelensky ayaa qoraal uu soo dhigay Telegram ku sheegay Sabtidii in “Reer Ukraine aysan siin doonin dhulkooda kuwa qabsaday”.

Waxa uu ku celceliyay in Ukraine ay waajib ku tahay in ay ka qayb qaadato xal kasta oo nabada,waxaana uu sheegay in uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo asxaabta si loo helo nabad “dhab ah” iyo “waarta”.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxaa ka soo baxay Wadahadallada u dhexeeyey Guddoomiye Jaamac iyo Xildhibaanno Mucaaradka

Waxaa soo gabagaboobay wadahadallo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Sheekh Shariif oo Cambaareeyay Howlgalka Yaaqshiid“Boqolaal qoys ayaa la Barakiciyay”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

Maxay ka wadahadleen Fiqi iyo Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Aadan Madoobe oo weerarkii Baydhabo kadib kulan la qaatay saraakiisha ciidamada

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Kheyre oo si u weeraray Xasan Sheekh Kadib dhacdadii Yaaqshiid

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles